Sahan Media Muqdisho: Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Faysal Sheekh Cali, ayaa sheegay in dowladda Puntland ay Galkacyo u diyaarisay ciidamo gaar ah oo lagu wareejin doonto ammaanka manajiri doonaan aanooyinka qabaa’ilka ee naafeeyey nabaddii Magaalada Galkacyo, sida cabtooy, jirri iyo gacan ku dhiiglayaal gobolka ku dhuunta.
“Saddex sano kahor magaaladaan waxaa laga cabsan jirey shabaab madaxa duubta masaajidadana laguma tukan jirin, maantana majirto gabar xitaa ka cabsanaysa in mobilka laga furto, hal caqabad ayaa jirta oo ah dilalka aanada qabaa’ilka, dowladdu qorshe ayey ka dejisey ciidamo ayaa u soo socda”, Ayuu yiri guddoomiye Jifi-jabsade.
Guddoomiyaha ayaa intaasi ku sii daray,”Ciidamadaasi markay ay yimaadaan magaaladan ayaan dadka isbaranaynaa, waxaa jiri doonta xilli uusan qof qori qaata jirin, xilli uusan qof kor u hadli karaa jirin, majiri doono wiil jirri ah oo marka la dilo tallaagad la gashto, nabadoonada qaar waa saxiixeen kuwa diiddanna waxaan u sheegaynaa xitaa haddii aad diiddaan waa lalaynayaa.”


