Google search engine
HomeWararka MaantaXuutiyiinta Yemen oo xiray saddex ka mid ah shaqaalaha Qaramada Midoobay oo...

Xuutiyiinta Yemen oo xiray saddex ka mid ah shaqaalaha Qaramada Midoobay oo lagu eedeeyay basaasnimo

Sahan Media Muqdisho: Xuutiyiinta Yemen ayaa xiray saddex ka mid ah shaqaalaha Qaramada Midoobay oo ay ku jiraan labo dumar ah, iyagoo ku eedeeyay inay u basaasayeen Israa’iil, sida ilo amni oo ka tirsan kooxda xagjirka ah u sheegay AFP Axaddii.

“Labo haween ah oo u shaqeynayay Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP ayaa Sabtidii lagala baxay guryahooda” oo ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Sanca ee ay Xuutiyiintu haystaan, ilo-wareedka ayaa intaas ku daray in nin Yemeni ah oo sidoo kale u shaqeynayay hay’adda WFP la xiray habeenkaas.

“Amniga iyo sirdoonka Sanca ayaa wali heysta liiska dadka la doonayo in ay la shaqeeyaan cadawga Israa’iil iyo Mareykanka,” ayaa lagu daray warkan.

Waa kuwii ugu dambeeyay ee mowjado xarig ah oo lala beegsanayo shaqaalaha UN-ka iyo kuwa kale ee aan dowliga ahayn, iyadoo todobada qof oo kale oo ka tirsan shaqaalaha Qaramada Midoobay la xiray horraantii toddobaadkan kuwaasoo lagu eedeeyay inay gacan-saar la leeyihiin Israa’iil.

Todobaadki hore ayay aheyd markii dagaalyahanada ay weerareen xarunta Qaramada Midoobay ee Sanca, waxaana ay gudaha ugu galeen 20 shaqaale ah oo ay ku jiraan 15 ajaaniib ah ka hor inta aan la sii deyn wax yar kadib.

12 ka mid ah 15-ka shaqaalaha caalamiga ah ayaa dalka ka dhoofay Arbacadii.

Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii sheegtay in Xuutiyiinta ay xireen 55 ka mid ah shaqaalahooda tan iyo 2021-kii.

Houth oleader Abdulmalik al-xuuthi ayaa ku andacoodey in hay’adaha Qaramada Midoobay, oo ay ku jiraan WFP iyo UNICEF, ay ka qaybqaateen “jaajuusnimo gardarro ah”.

Waxa uu ku eedeeyay qaar ka mid ah in ay door ku lahaayeen duqeymaha Israa’iil ee lala beegsaday shir ay lahaayeen golaha wasiirrada bishii Agoosto, halkaas oo lagu dilay ra’iisul wasaaraha.

Tan iyo markii uu dagaalka Qaza billowday Oktoobar 2023, Xuutiyiintu waxay si isdaba joog ah u bartilmaameedsadeen labada marin ee maraakiibta maraan

Israa’iil ayaa ku jawaabtay duqeymo culus oo ay ku qaadday Xuutiyiinta Yemen.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments