Sahan Media Muqdisho: Madaxweynaha FIFA Gianni Infantino ayaa Axadii ku dhawaaqay daah-furka tartanka cusub ee kubbadda cagta ee heer gobol, FIFA ASEAN Cup, kaas oo ay ku jiraan dhammaan 11-ka waddan ee Koonfur-bari Aasiya.
Infantino ayaa sharaxay in tartanka uu ka dhici doono gudaha jadwalka ciyaaraha caalamiga ah ee FIFA si loo kordhiyo saameynta uu ku leeyahay gobol ay ku nool yihiin ku dhawaad ​​700 oo milyan oo qof, warbaahinta dowladda Malaysia ee Bernama ayaa werisay.
“Waxaan bilaabaynaa tartankan si aan kor ugu qaadno kubada cagta, oo ay ku jiraan ciyaartoyda ugu fiican ee qaabka jadwalka ciyaaraha caalamiga ah ee FIFA, si aan uga dhigno mid si dhab ah saameyn ugu leh gobolka oo uu u iftiimiyo masraxa caalamiga ah.
“Kubadda cagtu waxay midaysaa aduunka oo dhan iyo dhamaan 11ka dal ee ASEAN, waxaanu abuuraynaa koobka FIFA ASEAN Cup, waa tartan isku keeni doona gobolka oo noqon doona guul weyn,” ayuu yiri.
Hadalkiisa ayaa yimid ka dib markii la saxiixay heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan horumarinta kubbadda cagta gobolka intii lagu jiray Shir-madaxeedka 47-aad ee ASEAN oo ka dhacay caasimadda Malaysia ee Kuala Lumpur.
Is-afgaradka waxaa saxiixay Infantino iyo Xoghayaha Guud ee ASEAN Dr. Kao Kim Hourn, iyadoo Ra’iisul Wasaare Anwar Ibrahim uu goobjoog ka ahaa guddoomiyaha ASEAN 2025.
Infantino ayaa ku nuuxnuuxsaday in maamulka kubbadda cagta adduunka ay ka go’an tahay in ay xoojiyaan dadaalkooda iyo ballaarinta dadaallada horumarineed ee gobolka iyada oo loo marayo heshiiskan.
“Tiirka koowaad, dabcan, waa daacadnimada ciyaarta. Midda labaad waa in la hubiyo jawiga ammaanka ciyaaraha. Midda saddexaad waa waxbarashada, horumarinta waxbarashada kubbadda cagta iyo kobcinta horumarinta gabdhaha, wiilasha, haweenka iyo ragga ee gobolka,” ayuu raaciyay.


