Sahan Media Muqdisho: Maalmahan waxaa sii kordhaya dilalka ku saleysan aanooyinka qabiilka ee ka dhaca inta badan deegaanada gobolada Galgaduud iyo Mudug, iyadoo sacaadahii lasoo dhaafay deegaan hoostaga Balanbale lagu dilay Aabe iyo wiil uu dhalay.
Aabaha iyo wiilkiisa la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray Cabdullahi Maxamed Lugtii Jiic iyo Baashi Cabdullahi Maxamed Lugtii Jiic, kuwaas oo lagu dilay deegaanka Labi Kooraale oo hoostaga degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud.Â
Dilka Aabaha iyo wiilkiisa ayaa waxaa geystay maleeshiyaad hubeysan oo la sheegay iney kasoo jeedaan degmada Balanbale, kuwaas oo u dilay aargoosi aano qabiil ah.
Dhacdadaan lagu dilay Aabaha iyo wiilkiisa ayaa qeyb ka noqoneysa dhacdooyin dilalka naxdinta leh ee salka ku haaya aanooyinka qabiilka oo marar badan ka dhacay deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Galgaduud.
Xaalad kacsanaan ah ayaa si weyn looga dareemaya deegaanada hoostaga magaalooyinka Balanbale iyo Guriceel oo ka wada tirsan gobolka Galgaduud, taasoo la xariirta xiisad ka dhalatay dilka aabaha iyo wiilkiisa loo geystay.
Ugu dambeyntii maamulka Galmudug ayaa ah mid u muuqda inuu ku fashilmay wax ka qabashada dilalka salka ku haaya aanoyinka qabiil ee kusoo noqnoqday deegaanada gobolada Galgaduud iyo Mudug ee maamulkaas.


