Sahan Media Muqdisho: Nin Soomaali ah oo saddex dumar ah toorey ku dilay magaalada Würzburg ee gobolka Bavaria ayaan laga masaafurin karin dalka Jarmalka, waxaana uu ku sii hayn doonaa daryeelka dhimirka ee dalkaas muddo aan la cayimin.
Go’aanka ayaa yimid ka dib markii ra’yi khabiir ah ay soo gabagabeeyeen in masaafurinta dembiilaha ay la timid khatar sare oo ah dib u soo galitaankiisa Jarmalka, taas oo awood u siin karta inuu galo dambiyo kale.
Dacwad oogayaasha ayaa intaa ku daray in ninkan Soomaaliga ah ay u badan tahay in lagu sii dayn doono dalkiisa, isla markaana uu xor u noqon doono inuu mar kale galo dalka Jarmalka.
Qofka Soomaaliga ah ayaa hadda ku sii jiri doona qeybta baarista dhimirka ee isbitaal ku yaal Lohr, oo ah magaalo yar oo 30km waqooyi-galbeed kaga beegan Würzburg. Waxa uu weli khatar ku yahay bulshada, sida laga soo xigtay xafiiska dacwad oogaha Munich.
Hanjo Schrepfer, oo ah qareenka difaaca ee ay maxkamaddu magacawday ninkaas, ayaa u sheegtay wakaaladda wararka ee dpa: “Waxaan u arkaa go’aanka xafiiska xeer ilaaliyaha guud inuu yahay mid sax ah marka la eego nuxurka, aragtidaydana go’aankan ku-talogalka ah ayaa sidoo kale habboon.”
Waxa uu intaa ku daray in horumarka daawaynta ninka ay tahay in lala socdo oo aan weli la bilaabi karin sababtoo ah eedaysanuhu weli ma uusan qiran dambiga.
June 25, 2021 nin 24 jir ah, oo lagu magacaabo “Abdirahman Jibril A”, ayaa mindi kala soo baxay shelf dukaan weyn oo ku yaala bartamaha Würzburg, oo ah magaalo ay ku nool yihiin 130,000 oo qof, wuxuuna bilaabay inuu tooriyeeyo dadka si aan kala sooc lahayn.
Waxa uu dilay saddex dumar ah oo ay da’doodu kala tahay 25, 49, iyo 82, isaga oo dhaawacay ugu yaraan sagaal qof oo kale. Mid ka mid ah dhibanayaasha ayaa geeriyootay iyadoo difaacaneysa gabadheeda oo 11 jir ah oo gacan ku dhiiglaha uu sidoo kale isku dayay inuu tooriyeeyo. Goobjoogayaal ayaa markii dambe sheegay in ninka uu ku qeyliyay “Allaahu akbar” intii uu socday weerarka.
Dambiilaha ayaa la sheegay in uu ka yimid dalka Talyaaniga bishii May ee sanadkii 2015-kii xiligaasi oo ay dalka Jarmalka ka taagneyd xiisada qaxootiga. Waxa uu codsaday magangalyo, isagoo ku andacoonaya in ay ku dhibaateeyeen maleeshiyaad Islaami ah oo ka dagaalama Soomaaliya. Codsigiisa magangelyo waa la diiday laakiin waxaana loo ogolaaday inuu si sharci ah ku joogo Jarmalka.
Ka hor inta uusan dilin dadka waxa uu ahaa nin aan guri lahayn oo daggan Würzburg halkaas oo lagu soo waramayo in uu soo bandhigayay dhaqamo yaab leh oo ay ku jiraan in uu dadka u hanjabay dhowr jeer.


