Sahan Media Muqdisho: Ciidamada Midowga Yurub ee la dagaalanka burcad badeeda Soomaalida ayaa Jimcihii shalay gacanta ku dhigay Markab lagu weeraray xeebaha Soomaaliya.
Kooxo hubeysan ayaa weeraray markabka oo ay maamuleysay shirkad laga leeyahay dalka Giriiga oo lagu magacaabo Latsco Marine Management, xilli uu Khamiistii ka soo ambabaxay dalka Hindiya, kuna sii jeeday Koonfur Afrika, iyadoo ay la socdeen 24 shaqaale ah.
Soomaaliya ayaa mar caan ku ahayd weerarrada budhcad-badeedda iyo weerarrada madax-furasho balse dhacdooyinka ayaa noqday kuwo aad u yar.
Burcad-badeeddu waxay ka tageen markabkii ganacsiga ka dib markii ay “muujin hore oo xoog ah sameeyeen” ayaa lagu yidhi war ka soo baxay ciidamada badda Midowga Yurub.
“Shaqaalaha markabka oo ka koobnaa 24 qof, waa bad qabaan, lamana sheegin wax dhaawac ah.”
Waxaa socda baadigoob xooggan oo lagu baadigoobayo kooxaha burcadbadeedda ah oo la rumeysan yahay inay weli ku sugan yihiin deegaankaas, waxaana ciidamada badda ay sheegeen in si sharci ah loo maxkamadeyn doono haddii gacanta lagu soo dhigo.
Xarunta Hawlgalka Ganacsiga Badaha ee Boqortooyada Ingiriiska (UKMTO) ayaa mar sii horreysay sheegtay in doonida oo lagu magacaabo Hellas Aphrodite, uu ka yimid dhinaca dambe ee markab yar.
Ma jirin wax ammaan ah oo saarnaa markabka markii uu weerarku dhacayay, sida ay sheegtay wakaaladda wararka badda ee Lloyd’s List.
Weerarkan ayaa imaanaya maalmo kadib markii uu fashilmay isku day lagu doonayay in lagu raro markabka MV Stolt Sagaland ee xeebaha Soomaaliya.
Afar qof ayaa isku dayay inay qabtaan markabka Isniintii, sida lagu sheegay war ka soo baxay xarunta wacyigelinta iyo iskaashiga macluumaadka badda ee Faransiiska (MICA).
Maalin ka hor, doon yar ayaa ku soo dhawaaday FV Intertuna Tres, laakiin way dhaqaaqday ka dib markii markabku ka dhawaajiyay seeriga, sida ay sheegtay MICA.


