Google search engine
HomeWararka MaantaHodan Maxamuud Diiriye, oo 34 jir ah ayaa qiratay dilka Saabiriin Saylaan...

Hodan Maxamuud Diiriye, oo 34 jir ah ayaa qiratay dilka Saabiriin Saylaan Cabdulle, oo 14 jir ah. 

Sahan Media Muqdisho: Ciidanka Booliska Puntland ee Gobolka Mudug ayaa sheegay in haweeney lagu magacaabo Hodan Maxamuud Diiriye, oo 34 jir ah ay qiratay dilka Saabiriin Saylaan Cabdulle, oo 14 jir ah. 

Eedeysanaha ayaa dhawaan gacanta lagu soo dhigay markii maydka gabadhaan xogteeda la helay, waxaana booliisku uu sheegay in la horgeyn doono Maxkamadda.

Marxuumadda ayaa ku noolayd oo shaqaale ka ahayd guriga eedeysanaha falka geysatay, waxaana baaritaan lagu sameeyay moobaylka eedeysanaha, waxaa laga helay caddeymo muujinaya iyadoo tacaddiyo joogto ah u geysanaysa marxuumadda, sidoo kalena ku haysay addoonsi shaqo.

Sidoo kale, Baaritaan lagu sameeyay maydka marxuumadda ayaa laga helay dhaawacyo dhowr ah oo ay kamid yihiin in lagu dilay Ceeji, in iyo jirkeeda meelo badan oo kamid ah tooreey loogu geystay.

Shacab badan oo ka caraysan dilka gabadhan ayaa sameeyay isku soo bax ay ku dalbanayaan in ay caddaalad hesho marxuumadda. Booliiska ayaa ugu baaqay dadku inay is dajiyaan, iyagoo sheegay in sharciga la waafajindoono eedeysanaha.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments