Google search engine
HomeWararka MaantaDiyaarad qarsoodi ah oo sidday Qaxooti reer Qaza ah oo ku degtay...

Diyaarad qarsoodi ah oo sidday Qaxooti reer Qaza ah oo ku degtay Koonfur Afrika

Sahan Media Muqdisho: Koonfur Afrika ayaa baareysa diyaarad “qarsoodi” ah oo la kireystay taasoo keentay 153 qaxooti Falastiini ah oo dalkeeda soo galay Khamiistii, iyagoo aan haysan dukumeentiyadii loo baahnaa, madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa ku dhawaaqay.

“Kuwani waa dad reer Gaza ah oo si qarsoodi ah loo saaray diyaarad soo martay Nairobi (caasimadda Kenya) oo halkan timid,” Ramaphosa ayaa u sheegay suxufiyiinta, isagoo intaas ku daray in hay’adda sirdoonka iyo waaxda arrimaha gudaha ay baarayaan arrintan.

Khamiistii, Koonfur Afrika ayaa 90-maalmood u fasaxday 153 Falastiiniyiin ah oo ka yimid Kenya, si ay magangelyo uga helaan dalkaas, inkastoo markii hore loo diiday inay galaan dalkaas, kaddib markii ay dhaafi waayeen wareysiyadii loo baahnaa, isla markaana aysan wadan baasabooradii ay ku dhoofayeen.

Qaxoontiga Falastiiniyiinta ayaa in ka badan 10 saacadood ku sugayay laamiga garoonka caalamiga ah ee OR Tambo International Airport oo u dhow magaalada Johannesburg si loo soo saaro ama looga celiyo. Warku waxa uu caro ka dhex abuuray dadka u dhaq dhaqaaqa dalkaas ee loo yaqaano in ay si weyn u taageeraan xuquuqda Falastiin.”Intii ay howsha socotay, BMA (Maamulka Xuduudaha) mas’uuliyiintu waxay ogaadeen maqnaanshaha tigidhada noqoshada ama Bac Ticket, qaar ka mid ah baasaboorradooda iyo sidoo kale xaqiiqda ah in tiro dadkii safarayay aysan u muuqan ama wadan tigidhada soo noqoshada ama ciwaanada hoygooda Koonfur Afrika,” ayaa lagu sharaxay qoraal qoraal ah.

Waxay xustay in markii la oggolaaday gelitaanka, 23 qaxoonti ah oo kooxda ka mid ah ay horay u raaceen duullimaadyo ay ku tageen meelo kale.

Dhanka kale, Safaaradda Falastiin ee Koonfur Afrika waxay sidoo kale hoosta ka xariiqday baraha bulshada in 153 muwaadiniin Falastiini ah ay ka yimaadeen “Gaza iyagoo sii maray garoonka Ramon ee Nairobi iyada oo aan wax qoraal ah ama isuduwid hore ah lahayn.”

Waxaa la sheegay in duullimaadka ay soo diyaariyeen “Urur aan diiwaan gashaneyn oo marin habaabin ah.”

Safaaradda ayaa xustay in hay’addu “ay ka faa’iidaysatay xaaladaha bini’aadantinimo ee naxdinta leh” ee dadka Gaza ku nool, “qoysaska ay khiyaameeyeen, lacagna ka ururiyeen, una fududeeyeen socdaalkooda si aan caadi ahayn oo mas’uuliyad darro ah”.

Kooxdan ayaa markii dambe isku dayday in ay diido mas’uuliyad kasta marka ay dhibaatooyin soo baxaan,” ayay raacisay.

Imtiaz Sooliman, oo ah aasaasaha ururka samafalka ee Gift of the Givers, ayaa u sheegay warbaahinta Koonfur Afrika ee SABC in Israa’iil lagu eedeeyo soo gelitaanka qaxootiga Falastiiniyiinta ee dalkeeda ku soo galay.

“Tani, nasiib darro, waxay u egtahay wax aad u xun. Tani maaha duulimaadkii ugu horreeyay; waa duulimaadkii labaad. Tani waxay u muuqataa inay tahay dadaal isku dhafan oo ka yimid Israel si loo fuliyo habka nadiifinta qowmiyadaha, “ayuu yidhi.

“Diyaaraddii hore intooda badan xataa meel ay u socdeen may garanaynin. Dhanka kale, sida laga soo xigtay BBC-da, Cogat oo ah milatariga Israa’iil, oo maamusha marinnada Qaza, ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri: “Dadka deggan waxay ka tageen marinka Gaza ka dib markii Cogat uu oggolaansho ka helay waddan saddexaad si uu u qaabilo.”

Cogat, si kastaba ha ahaatee, ma cayimin dalka saddexaad.

Isagoo la hadlayay Al Jazeera, Loay Abu Saif, oo ka mid ah 153 Falastiiniyiinta, ayaa sheegay in Israa’iil ay gacan ka geysatay fududeynta wareejinta kooxdiisa, wuxuuna xusay in isaga iyo qoyskiisa ay ka tageen Gaza iyagoo aan ogeyn halka ay tagayaan.

Safarka oo qaatay in ka badan 24-saacadood oo diyaarado la isugu bedelay ayuu ku tilmaamay safar dhibaato ah.

Abu Saif wuxuu daaha ka qaaday Aljazeera in ururku uu baraha bulshada soo dhigay foomka isdiiwaan galinta iyada oo ay la socoto habka xulashada oo u muuqda mid mudnaan gaar ah siinaysa qoysaska carruurta leh loona baahan yahay dukumeenti socdaal oo falastiiniyiin ah oo sax ah, iyo sidoo kale ogolaanshaha amniga ee Israel.

Waxa uu sheegay in aan waqti loo qaban ka bixista Gaza, kaliya in lagu wargelin doono maalin ka hor, waxaana la faray in aysan wadan wax alaab ah marka laga reebo dukumentiyada khuseeya.

Abuu Seef ayaa intaa ku daray in safarkaasi uu ku baxay lacag dhan $1,400-$2,000 qofkiiba.

Waxa kale oo uu hoosta ka xarriiqay in markii la doortay kadib, bas laga soo raray Rafah una socday isgoyska Karem Abu Salem si baaritaan loogu sameeyo ka hor inta aysan tagin garoonka diyaaradaha ee Ramon ee Israa’iil, wuxuuna caddeeyay in dukumeentiyadooda socdaal aysan ku shaabadeysan caddaynta mas’uuliyiinta Israa’iil.

Duulimaadka ayaa ahaa diyaaradii labaad oo dad falastiiniyiin ah oo kasoo cararay xasuuqa Qaza ku sii jeeday dalka Koonfur Afrika.

Diyaaradii ugu horeysay ayaa dabayaaqadii bishii hore soo caga dhigatay garoonka caalamiga ah ee OR Tambo waxayna siday 176 falastiiniyiin ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments