Sahan Media Muqdisho: Ciidamada dalka Benin ee galbeedka Afrika ayaa TV-ga qaranka kaga dhawaaqay in ay xilka ka tuureen madaxweyne Patrice Talon oo ay talada la wareegeen.
Farriin ka soo baxday safaaradda Faransiiska ee Benin ayaa lagu sheegay in rasaas laga maqlay agagaarka guriga uu madaxweynaha ka deggan yahay magaalada ugu weyn ee Cotonou, oo ah xarunta dowladda.
Ciidamada ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in la laalay dastuurka, waxayna xireen dhammaan xuduudaha dhulka iyo sidoo kale hawada dalka.
Balse saraakiil ku dhow dhow madaxweynaha ayaa sheegay inuu wanaagsan yahay, isla markaana ciidamada tirada yar ee ku sugan xarunta TV-ga aysan taageero ka helin ciidamada caadiga ah.
“Xaaladda waxaa gacanta ku haya ciidamada, qaybo badan oo ka mid ah ciidamada ayaa weli daacad u ah madaxweynaha annaguna waan la wareegaynaa xaaladda,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Shegun Adjadi Bakari oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters.
Qof aan la magacaabin oo ka tirsan madaxtooyada ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay: Ciidankan waa koox yar oo kaliya oo maamula talefishinka, magaalada iyo dalkaba waa ammaan.”
Ma cadda halka uu ku sugan yahay madaxweynaha.
Wadooyinka waxaa lagu xiray ciidamo aad u badan oo ku sugan dhowr waddo oo ku yaal caasimadda Cotonou.
Benin ayaa lagu tiriyaa mid ka mid ah dalalka Afrika ee ugu xasiloon dhinaca dimuqraadiyadda. Waa mid ka mid ah kuwa ugu badan ee soo saara suufka qaaradda, laakiin waxa ay ka mid tahay dalalka ugu saboolsan adduunka.


