Sahan Media Muqdisho: Xildhibaan Ilhaan Cumar oo laga soo doorto gobolka Minnesota ayaa wareysi ay siisay CBS News waxa ay ku doodday in maamulka Trump uu erayo Nazi ah u adeegsanayo soogalootiga Soomaalida.
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota ayaa si weyn isha loogu hayaa kaddib markii lagu soo oogay xukunno la xiriira wax isdaba marin, taasoo gaareysa boqolaal milyan oo dollar. Muranka ayaa keenay in qaar ka mid ah ay ku doodaan in heerarka socdaalka la xoojiyo si looga fogaado fal-dambiyeedyo kale oo ka yimaada muhaajiriinta.
Ilhaan Cumar waxay ka soo horjeestay hadal ka soo yeeray ku xigeenka madaxa shaqaalaha ee Aqalka Cad Stephen Miller oo ku andacoonaya in muhaajiriinta Soomaalida aysan awoodin in ay ku milmaan dhaqanka Mareykanka.
“Marka aad ka hadlayso nacaybka ma aha oo kaliya inaad sheegeyso shaqsiyaad, waxaad sheegaysaa bulshooyin muslim ah,” ayay tiri Ilhaan mar ay u jawaabaysey Miller. “Ma jiro wax isbeddel ah oo sixir ah oo dhaca marka dawladaha guuldarraystay ay ka gudbaan xuduudaha. Qiyaas ahaan, muhaajiriinta iyo faraca ay dhaleen waxay dib u abuuraan xaaladaha, iyo cabsida, dhulalkoodii burburay ayuu yiri Miller.”
“Waxay i xasuusinaysaa qaabkii Naasiyiintu u sifeeyeen dadka Yuhuuda ah ee Jarmalka ku nool, sida aan ognahayna waxaa jiray dad badan oo soo galooti ahaa oo isku dayay in ay yimaadaan Maraykanka, kuwaas oo uu dib u celiyay mid iyaga ka mid ah oo Yuhuudi ah,” ayay tiri Ilhaan Cumar.
“Waan ognahay sida loo cunsiriyeeyay dadka ka imaanayay Ireland, soogalootiga Irishka,” Omar ayaa raacisay. “Waan ognahay sida dadkaas lagu sifeyn jiray ama tilmaami jiray waagaas, annagana waxaan nahay, haa, dabcan, asal ahaan Soomaali. Dalkan waxaan ku joognaa Mareykan ahaan, waxaan nahay muwaadiniin, waxaan nahay qayb wax soo saar leh oo ka mid ah qarankan, waana sii jiri doonaa.”


