Sahan Media Muqdisho: Wiil dhallinyaro Soomaali ah ayaa lagu eedeeyay dilka Vadym Davydenko oo u dhashay Ukrain kaasoo lagu dawaynayay cisbitaalka magaalada Dublin.
Soomaaligan 17 jirka ah ayaa mar kale ka soo muuqday Maxkamadda Carruurta ee Dublin Ireland
Vadym (17) ayaa la tooriyeeyay subaxnimadii Oktoobar 15-keedii iyada oo ay ku wada jireen xarun dhallinyaro muddo 24-saac ah oo ku taal Donaghmede.
Dhegeysiga dacwadda eedaysanuhu wuxuu codsaday cafis wuxuuna ku andacooday in dukumeentigiisu been abuur yahay. Qareenkiisu waxa uu sheegay in shaki ku jiro da’diisa. Warbixinta dhimirka ayay maxkamadu dalbatay. Garsoore Kelly ayaa xustay in madaxda safaarada Soomaaliya aysan wali ka jawaabin su’aalaha Booliska.
Markii loo sheegay dukumentiga taariikhda dhalashadiisa, Somaliga waxuu ku jawaabay “waxa ku qoran dhalashada dukumentiga sax maaha maaha, wuxuuna raaciyay qof kasta wuu samaysan karaa dukumeenti inuu 17” jir yahay .

Eedeysanaha lama magacaabin magaciisa intii ay dacwaddu socotay iyadoo lagu salaynayo inuu yahay qof aan qaan-gaar ahayn. Maxkamadu waxay go aamisay lagu sii hayo xabsiga ilaa Isniinta inta laga helaayo amarrada Agaasimaha Xeer Ilaalinta (DPP).
Eedeysanaha ma codsan in damiin lagu siidaayo laakin wuxuu yiri: “Waxaan jeclaan lahaa inaan tacsi u diro reerkiisa oo aan cafis weydiisto wiilkaas.”
Qareennada DPP iyo Tusla, oo ah hay’adda carruurta iyo qoyska, ayaa ka soo qayb galay dacwadda.


