Sahan Media Muqdisho: Burcadbadeedda Soomaalida ayaa mar kale bilaabay baacsashada maraakiibta ganacsi ee mara badweynta Hindiya. Saraakiisha amaanka ee Maraykanka iyo kuwa gobolka ayaa ka digaya in kooxaha burcad-badeedda ah ay la shaqeeyaan maleeshiyada Xuutiyiinta ee ay Iran taageerto iyo kooxaha argagixisada ah ee ka hawlgala Geeska Afrika.
“Qaar ka mid ah kooxaha burcad badeedda Soomaalida ayaa qalab GPS-ka iyo hub ka helay Xuutiyiinta Yemen ee isbaheysiga la ah,” ayuu yiri Maxamed Muuse Abulle, oo ah agaasime ku xigeenka sirdoonka ee ciidamada badda Puntland. ” Waxaan aaminsanahay inay xitaa tababar ku qabteen Yemen.”
Masaafada u dhaxaysa Yemen iyo Soomaaliya waxa ay dhawr boqol oo mayl u jirtaa badda cas. Biyahan ayaa weli ah kuwo muhiim u ah ganacsiga ku xiran Maraykanka iyo gaadiidka saadka militariga.
Dec, 12, ciidamada badda Puntland, oo ah koox ka tirsan amniga gobolka ee Soomaaliya, ayaa ku dhawaaqay in ay qabteen markab yar oo doonayay inuu soo geliyo kiimikooyinka loo isticmaalo walxaha qarxa. Ciidamada Badda Puntland ayaa la sheegay in ay gacanta ku dhigeen rag u kala dhashay dalalka Soomaaliya iyo Yemen.
Xuutiyiinta Yemen ee ay Iran taageerto, waa urur argagixiso oo Maraykanku u aqoonsaday inay yihiin dhaqdhaqaaq Shiico Zaydi ah. Inkastoo ay kala aragti duwan yihiin kooxda ayaa xiriir cusub la sameysatay ururo Sunni ah oo xag jir ah oo ay ku jiraan Al-Shabaab iyo Daacish-Soomaaliya, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka ee gobolka.
Soo noolaynta burcad-badeedda Soomaalida waa qayb ka mid ah ololaha ballaaran oo lagu xoojinayo xasillooni-darrada gobolka iyo dagaalka aan tooska ahayn ee Xuutiyiinta ay ku doonayaan inay ku horumariyaan wakiilo cusub oo Afrika ah. Bishii December ee sanadkii 2023, burcad badeeda Soomaalida ayaa markii ugu horeysay gacanta ku dhigay markab ganacsi, howlgalladaaas ayaa ku soo beegmay xilli ay Xuuthiyiintu bilaabeen weeraradii ugu horeeyay ee ay ku qaadeen isu socodka gaadiidka badda cas.
Inta uu socday weerarka, markabka Hellas Aphrodite oo sitay calanka Malta waxaa rasaas ku furay burcad badeed Soomaali ah oo ku hubaysnaa baasuukayaal iyo hub kale ah.
Shaqaalihii ayaa dib ugu gurtay dhufeyskii markabka, qol adag oo ammaan ah oo ay ka buuxaan cunto iyo biyo loogu talagalay in lagu ilaaliyo shaqaalaha ilaa iyo inta gargaarka badda laga helayo.
Galabnimadii xigtay, markabka Isbaanishka ee ESPS Victoria, oo la shaqeeya NAVFOR, howlgalka Midowga Yurub ee la dagaalanka burcadbadeedda, ayaa qabtay markabka. Kadib markii ay soo bandhigeen dhaq-dhaqaaqyo ciidan, ayaa waxaa la sheegay in burcad badeeda ay isaga dhaqaaqeen markabka, iyadoo aanay waxba gaarin shaqaalihii la socday.
Dhacdo kale ayaa si gaar ah isla maalintaas uga dhacday badda Soomaaliya markii markabka LNG ee Al Thumama ee Qatar laga leeyahay uu arkay doon laga shakiyay oo ku soo dhawaatay taas oo markii danbe markabka u saamaxday inuu kabaxsado isagoo isticmaalaya xawaarihiisa


