Google search engine
HomeWararka MaantaAbdillatif Mohamed oo xabsi lagu xukumay

Abdillatif Mohamed oo xabsi lagu xukumay

Sahan Media Muqdisho: Nin u adeegsaday baasaboor dublamaasi ah si uu dhowr dumar ah uga caawiyo gelitaanka Ireland ayaa lagu xukumay 4½ sano.

Abdallatif Mohamed (40) oo loo yaqaano Hussein, ayaa isticmaalayay baasaboorka diblumaasiga ee Soomaaliya muddo sadex bilood ah si uu dhowr haween ah u soo galiyo garoonka diyaaradaha ee Dublin sanadkii 2024-ka.

Waxa uu qirtay afar dacwadood oo ah in uu dadka si sharci darro ah ku soo galaliyay Ireland, taas oo ka soo horjeeda Sharciga Caddaaladda Dambiyada qaybtiisa lixaad ee 2021.

Maxkamadda Dembiyada ee wareegta Dublin ayaa loo sheegay in Maxamed uu ka shaqaynayay howlaha dublamaasiyadda markii uu dambiga galay.

Maxkamaddu waxay dhegeysatay in diyaarad ka timid Abu Dhabi 26-kii Noofambar, 2024 ay la socdeen laba dumar ah, oo la sheegay inay ahaayeen xaaskiisa iyo gabadh uu dhalay.

Dhammaantood waxay ku socdaalayeen baasaboorka diblomaasiga ah ee Soomaaliya, oo ahaa dukumeenti socdaal oo dhab ah laakiin lama siin labada haween oo xaas ahaan ayaa lagu waday.

Albaabka diyaaradda waxay kula kulmeen ciiidanka socdaalka ee Gardai, Ciidamadu waxay xuseen in sawirada haweenku aysan la mid ahayn sawirada ay ku sawiran baasaboorka.

Maxamed ayaa markii dambe lagu arkay xafiisyada Hay’adda Socdaalka Qaranka ee Garda isagoo isku dayaya inuu qariyo baasaboorka dhabta ah ee haweenka,waxaa sidoo kale lagu helay labo taleefoon, $13,910 iyo lacag kale oo yar.

Haweenkan ayaa xaqiijiyay in baasaboorrada laga helay Maxamed uu ahaa baasaboorkoodii saxda ahaa. Waxay labadooduba sheegeen inay lacag ku siiyeen inuu halkan keeno. Haweeney ayaa sheegtay inay bixisay $14,000, halka haweeneyda kale ay sheegtay inay bixisay $15,000.

Waaxda socdaalka Gardaí wuxuu adeegsaday muuqaalka CCTV si uu u xaqiijiyo dhacdooyinkan. Maxkamadda ayaa loo sheegay lana tusay Maxamed oo diyaarad ka soo raacayo Abu Dhabi oo ay la socoto qof dumar ah, balse uu kaligiis uu sii maray ilaalada.

Garyaqaanka waxa uu xusay in baasaboorrada diblumaasiga isticmaalkiisu uu leeyahay xaalad gaar ah, si ay u ilaaliyaan shaqaalaha dublamaasiyadda inta ay adduunka ka wadaan waajibaadkooda”, ma aha inay caawiyaan dembiilayaasha.

Qareenku wuxuu sheegay in haysashada lacag caddaan ah oo aad u badan ay ” beenineyso sharraxaadda uu sheegayo Maxamad.

Xaakinka ayaa yiri ma garanayno sababta Maxamed uu u sido ku dhawaad ​​$ 14,000 oo kaash ah, wuxuu ku soo rogay xukun shan sano ah, wuxuuna dib ugu celiyay Maxamed xabsiga.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments