Sahan Media Muqdisho: Xildhibaan Samakab Xuseen oo laga soo doorto gobolka Minnesota ayaa sheegay in isku day la doonayay in lagu jabsado uu ka dhacay guriga qoyskiisa ee St. Paul.
Xaaska Xuseen iyo carruurtiisa ma aysan joogin guriga xilligaas, sida uu sheegay xildhibaanka Dimuqraadiga ah.
“Aniga iyo qoyskeyga aad ayaan uga naxsannahay weerarkan argagaxa leh ee lagu qaaday qoyskeena ama gurigeenna,” ayuu yiri Xuseen. ” waan ka mahadcelinayaa sida degdegga ah ee ay sharci-fulinta uga jawaabeen dhacdadan, laakiin arrintan uma qaadan karno inay tahay dhacdo iska dhacday.
Waaxda Booliska ee St. Paul ayaa sheegtay in la soo wacay wax yar kadib 6pm markii Shirkadda qaylo-dhaanta ama alarmiga oo soo tebisay qaylo-dhaan ka dhacday guriga Xuseen. Saraakiisha ayaa hubiyay guriga waxayna sheegeen in aysan helin wax calaamado muujinaya in guriga lagu soo galay xoog ka hor inta aysan nadiifin goobta.
Xuseen ayaa walaac ka muujiyay rabshadaha siyaasadeed ee dhawaanahan soo kordhay, sida dilkii 14-kii bishii June ee lagu dilay afhayeenkii baarlamaanka Emerita Melissa Hortman iyo seygeedii, Mark, iyo sidoo kale weerarkii lagu dilay Sen. John Hoffman iyo xaaskiisa.
Xuseen oo ah Soomaali-Mareykan ah oo noqonaya qofkii ugu horreeyay oo Soomaali-Mareykan ah oo loo doorto xilka degmada 65-aad ee golaha sharci-dejinta Minnesota, ayaa ku eedeeyay hadalka madaxweyne Trump inuu caadi ka dhigay rabshadaha noocaan ah, gaar ahaan hadalladii uu dhawaan ka sheegay bulshada Soomaaliyeed.
“Marka hoggaamiyeyaashu isticmaalaan luqadaha aan ku wanaagsanayn bini’aadantinimada iyo marka madaxweynuhu ku yiraahdo shakhsiyaadka ‘qashin’. Waxay diraysaa farriimo ama calaamado khatar ah, taasoo ka soo horjeeda qoysaska Maraykanka oo dhan, kana gudbaysa khadadka xisbiyada ama mucaaradnimada” ayuu yidhi Hussein.


