Google search engine
HomeDiasporaMuhaajiriinta Soomaaliyeed ee ku Sugan Yemen Iyo Xaaladooda

Muhaajiriinta Soomaaliyeed ee ku Sugan Yemen Iyo Xaaladooda

Sahan Media Muqdisho: Kumannaan Soomaali ah oo Yemen ku nool ayaa daggan guryo ka sameysan cooshadaha oo aan lahayn waxyaabaha aasaasiga ah oo ay ku hareereysan yihiin qashinka meeshaas oo ay u bixiyeen Muqdisho yar.

Yaman lafteedu maaha meesha ay tahriibaan balse waa marin ay u maraan dadka ka tagaya bariga Afrika iyagoo rajo ka qaba inay gaaraan wadamada khaliijka oo ay ka shaqeeyaan dhismo ama shaqaale guri. Iiyadoo ammaanka xuduudaheeda la adkeeyay, dad badan ayaa ku dhibtooda sidii ay Yemen uga soo bixi lahaayeen.

Si ay nolol maalmeedkooda u daboolaan, qaar badan ayaa raadsada shaqooyin aan fiicnayn si ay naftooda iyo qoysaskooda u quudiyaan. “Maalmaha qaar waxba ma cunno ayuu yiri Abdullahi Omar, oo ah 29 jir Soomaali ah oo afar carruur ah ku haysta magaalada Cadan.

Sanad ka hor, Cabdullaahi Cumar waxa uu go’aansaday in uu ka faa’ideysto fursadiisa, isaga oo 500 oo doolar siiyay mukhalasiin si ay doon ula raacaan qoyskiisa isaga oo rajaynaya in ay Soomaaliya ka baxsadaan xasillooni darrada ka jirta awgeed iyo in ay helaan nolol dhaanta tan tan Soomaaliya, laakiin Yemen waxay noqotay darxumo kale.

Si uu u noolaado, Cumar wuxuu dhaqi jiray baabuurta, isaga oo ka helaya lacag u dhiganta dhowr dollar maalintii.

“Halkan waxba kuma hayo,” ayuu yiri, isagoo sharraxayay go’aankiisa ku aaddan inuu iska diiwaan geliyo barnaamijka Qaramada Midoobay ee u gogol xaarayay dib ugu soo laabashadiisa Soomaaliya. waxa nahaysta waa”Shaqo la’aan, lacag la’aan iyo dugsi iyo iskuul la’aan carruurta ah.”

In kasta oo ay xaaladdu liidato hadana ku dhawaad ​​17,000 oo Afrikaan ah ayaa yimid Yemen bishii Oktoobar, badidood waxay ka yimaadeen Jabuuti iyo Soomaaliya sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Soomaalida ayaa 63% ka ah 61,000 oo qaxooti ee magangalyo doonka ah oo Yemen ka diiwaangashan, sida ay muujinayso xogta Qaramada Midoobay.

Ku dhawaad ​​19.5 milyan oo qof oo ku nool Yemen – in ka badan kala bar dadkeeda – ayaa u baahan gargaar bini’aadannimo, oo ay ku jiraan 4.8 milyan oo barakacayaal ah, sida lagu sheegay xogta Qaramada Midoobay horaantii 2025.

Nabadda caasimadda Muqdisho sannadihii la soo dhaafay waxay ahayd xasillooni waxayna keentay in ay dhisanto magaalada oo faa’iido badan laga helo.

“Qaxooti badan ayaa doonaya in ay dib ugu laabtaan Soomaaliya, balse ma awoodaan in kuwa wax tahriibiya ay lacag siiyaan ama tigidhada diyaaradaha iska bixiyaan,” ayuu yiri Oweis al-Azzan, oo ah kormeere madaxa barnaamijka dib u noqoshada iskaa wax u qabso ah ee Qaramada Midoobay, kaas oo caawiya muhaajiriinta.

Barnaamijkan wuxuu qoysaska siiya gaadiid bilaash ah iyo lacag caddaan ah si ay uga caawiyaan fududaynta xilliga kala-guurka marka ay dalka ku soo laabtaan.

QM ayaa sanadkan dib u celisay in ka badan 500 oo qof oo Soomaali ah, waxaana la qorsheynayaa in dhamaadka sanadkan ay samayso saddex duulimaad oo ay qaadaan ku dhawaad ​​450 qof oo kale.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments