Sahan Media Muqdisho: Turkiga ayaa soo gebagebeeyey daraasado ku saabsan suurtagalnimada iyo naqshadeynta deked hawada sare la oo laga dhisayo Soomaaliya, waxaana si rasmi ah loo bilaabay wajigii koowaad ee dhismaha, sida uu sheegay Wasiirka Warshadaha iyo Tignoolajiyada Mehmet Fatih Kacır. Mashruucu wuxuu calaamad u yahay tillaabada ugu weyn ee hamiga Turkiga ee lagu xoojinayo helitaankeeda madaxbannaan ee hawada iyo ballaarinta doorka ay ku leedahay dhaqaalaha hawada sare.
Madaxweyne Recep Tayyip ErdoÄŸan ayaa ugu horeyn ka hadlay qorshaha lagu dhisayo deked hawada sare oo Turkiga uu ka sameysanayo Soomaaliya, xilli uu madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kula hadlayay magaalada Istanbul. Qorshahan ayaa lagu fulinayaa heshiis iskaashi oo dhex maray labada dal, kaasoo dhul ku yaalla Soomaaliya loo qoondeeyay mashruucan Turkiga.
Kacır wuxuu sheegay in Soomaaliya loo aqoonsaday meesha ugu habboon ka dib baaritaanno la sameeyay. Wuxuu sharxay in wadamada ku yaal dhulbaraha u dhow ay bixiyaan faa’iidooyin farsamo oo hawada sare loo diro, taasoo Soomaaliya ka dhigaysa mid soo jiidasho leh si loo maalgashado deked hawada sare.
Mashruucu wuxuu ka kooban yahay qayb ka mid ah Barnaamijka Qaranka ee Turkiye. Shaqada ayaa waxaa iska kaashanaya Wasaaradda Warshadaha iyo Tignoolajiyada, iyadoo ay gacan weyn ka geysaneyso Hay’adda Hawada sare ee Turkiga iyo Hay’ado kale oo ay khuseyso.
Kacır ayaa ku tilmaamay dekedda hawada sare inay tahay maalgashi istiraatijiyad ah oo Turkiga ka dhigi doonato ciyaaryahan madax-bannaan oo tartan u gali karta hawlaha hawada sare ee caalamiga ah. Waxa uu sheegay in hindisaha la filayo in uu keeno faa’iidooyin dhaqaale oo mustaqbalka fog leh taasoo yeelan doonta saameyn badan oo isdaba-joog ah, gaar ahaan iyada oo awood u siinaya in si buuxda oo madax-bannaan loo diro qaadayaal ama gawaari dayax-gacmeedka ee lagu sameeyay gudaha.
Sida laga soo xigtay wasiirka mashruucu wuxuu gacan ka geysan doonaa sidii loo dhisi lahaa nidaam warshadeed waara oo tartan ah oo ku saabsan bilaabista tignoolajiyada Turkiga. Howlahan ama shaqooyinkan ayaa la filayaa inuu ku fido meelaha muhiimka ah sida matoorada gantaalada, shidaalka iyo nidaamka kicinta, agabyada horumarsan, avionics iyo kaabayaasha taageerada dhulka, yaraynta ku tiirsanaanta dibadda iyo hubinta guulaha tignoolajiyada waara.
Dekeddan ama xaruntan hawada sare waxaa sidoo kale loogu talagalay in ay u adeegto suuqa ganacsiga ee caalamiga ah. Kacır ayaa sheegay in ay Turkiga u noqon doonto dakhli istaraatiiji ah oo dhaqaale soo saara, iyadoo sidoo kale gacan ka geysan doonta horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.
Waxa uu iftiimiyay u dhawaanshaha Soomaaliya ee dhulbaraha, juquraafi ahaan xeebaheeda, xaaladaha cimilada wanaagsan ee sanadka oo dhan iyo isu socodka hawada iyo badda oo aad u hooseeya kuwaasaa ah qodobbada muhiimka ah ee kor u qaadaya badbaadada iyo waxtarka.
Kacır waxa uu xusay in dalal tiro yar oo adduunka ah ay haystaan ​​kaabayaal dayax-gacmeed oo madax-bannaan. Gelitaanka Turkiye ee kooxdan waxay ka dhigan tahay guul taariikhi ah oo ku saabsan qaan-gaarnimada tignoolajiyada, madaxbannaanida istaraatiijiga ah iyo mawqifka caalamiga ah ee qaybta hawada.


