Google search engine
HomeWararka MaantaGideon Saar, oo booqasho diblomaasiyadeed ku yimid Hargeysa,

Gideon Saar, oo booqasho diblomaasiyadeed ku yimid Hargeysa,

Sahan Media Muqdisho: Wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil Gideon Saar ayaa socdaal ku jooga magaalada Hargeysa, waxaanu arrintani ka dhigan tahay daba-gal dublamaasiyadeed oo la xiriira aqoonsigii ay Israa’iil dhawaan siisay dhulkaas. Booqashadan oo ay sheegtay warbaahinta Israa’iil Arbacadii ayaa ku soo beegantay iyadoo uu weli socdo muran caalami ah oo ku saabsan xaaladda jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida.

Saar ayaa la filayaa in inta uu safarka ku jiro uu kulamo la qaato Madaxweynaha Somaliland C/raxmaan Maxamed C/laahi. Waxaa lagu wadaa in labada mas’uul ay warbaahinta kula hadlaan shir jaraa’id oo ay wadajir u qabanayaan gelinka dambe ee maanta.

Aqoonsiga rasmiga ah ee Israa’iil ay siisay Somaliland oo ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya 1991-kii, balse aan aqoonsi caalami ah ka helin ayaa si degdeg ah u cambaaraysay dawladda federaalka Soomaaliya, waxaanay dhalleecayn kala kulmeen dhawr waddan iyo hay’ado caalami ah. Talaabadan ayaa loo arkaa mid lagu jabinayo is-afgaradkii dheeraa ee caalamiga ahaa ee lagu ilaalinayay midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Falalka noocaan oo kale ah ayaa loo arkaa inay wiiqayaan madax banaanida dowladda dhexe ee la aqoonsan yahay ee Muqdisho, waxayna halis gelinayaan tafaraaruqa ka jira gobolka markii horeba aan xasilooneyn, taasoo tusaale u noqoneysa dhaqdhaqaaqyada kale ee gooni u goosadka ee caalamka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments