Sahan Media Muqdisho: Jaylaani Xuseen, agaasimaha fulinta ee CAIR-Minnesota ayaa yiri “Mar kasta, warar isku mid ah ayaa soo baxaya iyo kiisas loo abuurayo Soomaalida Maraykanka ah loona gudbinayo kooxo wax faafiya oo isticmaalaysa cabsi si ay u sharciyeyso takoorka,”
Maamulka Trump ayaa u diraya ku dhawaad ​​2,000 oo wakiilo federaal ah gobolka Minnesota, iyaga oo sare u qaadaya arrimaha socdaalka ee aagga Minneapolis-St Paul ka dib markii ay soo cusboonaadeen eedeymo la xiriira daryeelka carruurta, sida ay saraakiishu sheegeen.
Sida laga soo xigtay laba ilo sharci oo ay soo xigatay CNN, Laanta Socdaalka iyo Dhaqangelinta Kastamka (ICE) iyo wakiilada xuduudaha ee Maraykanka ayaa la geynayaa Minneapolis. Taliyaha Kastamka iyo Ilaalinta Xuduudaha Mareykanka Gregory Bovino ayaa sidoo kale la filayaa inuu yimaado.
Murankii ugu dambeeyay ayaa soo ifbaxay dabayaaqadii bishii hore ka dib markii muuqaal uu soo duubay ninka cunsuriga ah ee YouTube ka isticmaala ee Nick Shirley uu soo shaac baxay, isagoo sheegay in wax isdaba marin lagu sameeyay xarumaha daryeelka carruurta ee ay Soomaalidu maamusho. Mas’uuliyiinta gobolka ayaa markii dambe diiday sheegashadaas, iyagoo sheegay in baaritaanno lagu ogaaday in xarumuhu ay si sax ah u shaqeynayaan.

Dhacdadan ayaa sii hurisay xiisadaha siyaasadeed, waxayna dib u soo noolaysay hadaladii qallafsanaa ee uu madaxweyne Donald Trump ka sheegi jiray bulshada Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota, iyadoo ay digniino ka soo saareen hay’adaha u dooda xuquuqda madaniga ah oo ku aaddan ceebeynta iyo cabsida sii kordheysa.
Jaylaani Xuseen, agaasimaha fulinta ee CAIR-Minnesota ayaa yiri “Mar kasta, warar isku mid ah ayaa soo baxaya iyo kiisas loo abuurayo Soomaalida Maraykanka ah loona gudbinayo kooxo wax faafiya oo isticmaalaysa cabsi si ay u sharciyeyso takoorka,”


