Sahan Media Muqdisho: Madaxweynaha Isllll Isaac Herzog ayaa khamiistii la kulmay hogaamiyaha maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Somaliland kulankaas oo dhinac socday shirka dhaqaalaha adduunka ee ka furmay magaalada Davos ee dalka Switzerland.
Qoraal uu Herzog soo dhigay barta bulshada ee X, ayuu ku sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu la kulmo madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, intii lagu guda jiro kulanka sannadlaha ah.
Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in Cabdullaahi Cirro lagu casumin shirka dhaqaalaha ee Devos balse ay sigaara u casumeen Isllll casumaadaas oo ka dhacday guriga Isllll ay ka daggan tahay xaafadda shirku ka dhacayay.
waxaa kale oo ay wararku sheegayaan in la isku dayay in lageeyo xarunta shirka Devos laakin ay suurtoobi wayday, sawirada qaar ee laga soo qaaday Cabdullaahi cirro dhammaantood waxa ay ka dheceen Guryaha wafdiga Isllll ay ka dagan yihiin xarunta shirka ee Devos.
Isaac Herzog waxa uu sheegay in uu soo dhaweynayo xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dhinac, waxaana uu rajo ka muujiyay in la ballaariyo iskaashiga laba geesoodka ah “si ay uga faa’iideystaan ​​labada shacab.”
Somaliland ayaa tan iyo markii ay ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sannadkii 1991-kii, waxay u shaqaynaysay sidii maamul rasmi ah, balse ma aysan helin aqoonsi caalami ah oo ay ka mid tahay dal madax-bannaan.


