Sahan Media Muqdisho: Milateriga Suudaan ayaa sheegay in ay jebiyeen go’doomin socotay ku dhawaad labo sano ah oo ay jabhadda Rapid Support Forces (RSF) ku hayeen magaalo muhiim ah oo ku taal gobolka Kordofan, iyaga oo gacanta ku dhigay khadadka saadka.
War qoraal ah oo ay soo saareen galinkii dambe ee Isniintii, ayay ciidamadu ku sheegeen in ay fureen waddo aada magaalada Dilling ee gobolka Koonfurta Kordofan.
Dhanka kale, madaxa ciidamada qalabka sida ee Suudaan (SAF), General Abdel Fattah al-Burhan, ayaa la kulmay Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani Talaadadii magaalada Doha, taasoo qayb ka ah dadaalka ciidanku ugu jiro helida taageerada gobolka.
al-Burhan ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay booqanayay waddamo ku yaalla gobolka, oo ay ku jiraan Sucuudiga, Masar iyo Turkiga, “si uu u adkeeyo xidhiidhka dalalkan iyo si uu xoogga u saaro in uu isku dayo in uu ku guuleysto dagaalka ka dhanka ah RSF”.
“Xaqiiqda ah in uu booqday Qatar xilligaan waa mid aad muhiim u ah sababtoo ah waxay muujineysaa in uu jiro xiriir gaar ah oo ka dhexeeya amiirka Qatar iyo dowladda Al-Burhan “Ciidanku dowladda waxa ay isku dayayaan in ay ka faa’iidaystaan xoojintan kaalmada ah si ay ugala wareegaan dhulal ballaaran RSF-ta,
Ka dib markii laga saaray Khartoum bishii March, RSF waxa ay diiradda saartay Kordofan iyo magaalada el-Fasher, taas oo ahayd magaaladii ugu dambaysay ee ay ciidamadu ku lahaayeen gobolka fidsan ee Darfur ilaa ay RSF qabsato bishii Oktoobar.
Warbixinnada dil wadareed, kufsi, afduub iyo bililiqo ayaa soo ifbaxay ka dib markii el-Fasher ay la wareegeen gacan ku hayntaeeda RSF ta , maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada ayaa bilawday baaritaan rasmi ah oo ku saabsan “dambiyada dagaal” ee labada dhinac.
Qiimayn ay Qaramada Midoobay taageertay sannadkii hore ayaa horeba u xaqiijisay macaluul ka jirtaa Kadugli, taas oo ay ku jirtay go’doominta RSF in ka badan sannad iyo bar.
In ka badan 65,000 oo qof ayaa ka qaxay gobolka Kordofan tan iyo bishii Oktoobar. Colaadda ayaa dishay tobanaan kun oo qof waxayna abuurtay wax ay Qaramada Midoobay ku tilmaantay barakaca, dhibaatada iyo gaajada ugu weyn ee adduunka. Dagaalku wuxuu barakiciyey ilaa 14 milyan oo qof Suudaan gudaha iyo xuduudahaba.


