Google search engine
HomeWararka MaantaMaxaan ka ognahay faylasha Epstein oo ay ku jirto Somalia ?

Maxaan ka ognahay faylasha Epstein oo ay ku jirto Somalia ?

Sahan Media Muqdisho: Dukumentiyo cusub oo aan shaabadaysnayn ayaa ka soo baxay maxkamad federaali ah ayaa shaaca ka qaaday magacyada hoggaamiyeyaasha adduunka, qoyska boqortooyada, bilyaneerrada, iyo dad kale oo caan ah oo lala xiriirinayo maalgeliyaha la ceebeeyey Jeffrey Epstein.

Siideynta in ka badan 3 milyan oo bog oo diiwaanno ah oo ay sameysay Waaxda Caddaaladda Mareykanka ee ku saabsan kiis ganacsi galmo oo caan ah ayaa iftiimiyay daraasiin tiro badan oo awood leh oo lagu eedeeyay inay xiriir la lahaayeen dembiilaha galmada ee Jeffrey Epstein, oo daaha ka qaaday xiriirka hoggaamiyeyaasha siyaasadda, boqortooyada, diblomaasiyiinta iyo madaxda shirkadaha ee ku kala baahsan qaarado badan.

Ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee Maraykanka Todd Blanche ayaa sheegay in dukumeentiyada, oo si guud loo soo bandhigay sida uu dhigayo sharciga daah-furnaanta ee Epstein Files, ay ku jiraan in ka badan 2,000 oo muuqaal ah iyo 180,000 oo muuqaal ah.

Halka dhimis lagu dabaqay si loo ilaaliyo dhibanayaasha, gaar ahaan kuwa aan qaan-gaarin, 43 magacyadood oo dhibbanayaal ah ayaa la sii daayay iyada oo aan la qarin, oo ay ku jiraan in ka badan 20 kuwaas oo aan qaan-gaarin wakhtiga xadgudubka.

US

Dadka faylalkaas lagu sheegay waxaa ka mid ah madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, madaxa shirkadda Tesla Elon Musk, iyo aasaasaha Microsoft Bill Gates.

Epstein’s emails waxaa ku jiray sheegashooyin aan la xaqiijin oo sheegaya in Gates uu qaaday cudur galmada la isku qaadsiiyo ka dib markii uu galmo ku jasiiradda Epstein.

Gates ayaa beeniyay dhammaan eedeymaha.

Email-lada ayaa sidoo kale muujinaya Epstein oo Musk ku casuumay jasiiraddiisa gaarka ah, halka Trump lagu sheegay xiriir bulsho iyo mid ganacsi.

Trump waxa uu sheegay in dukumentiyadaasi aysan ku caddeeynin dambiga, isaga oo sheegay in ay ” khilaafsan yihiin rajada laga filayo xagjiriinta bidixda ah.”

Xoghayaha Ganacsiga Howard Lutnick ayaa la sheegay isagoo qabanqaabinaya booqasho qoys oo uu ku tagay jasiiradda Epstein 2012, inkastoo markii dambe uu sheegay inuu jaray xiriirka.

Dukumeentiyadu waxaysheegayaan in ay xiriir lahaayeen ilaa 2018.

Sharci-dajiyayaal Maraykan ah, oo ay ku jiraan Republicans Alexandria Ocasio-Cortez iyo Thomas Massie, ayaa dhaleeceeyay qaabka qayb ahaan siideynta, iyaga oo dalbanaya in waaxda caddaaladda ay soo bandhigto dhammaan faylasha sida sharci ahaan loogu baahan yahay.

UK, France

Sawirro iyo iimaylo lala xiriiriyay (Andrew Mountbatten-Windsor) Epstein, oo ay ku jiraan martiqaadyada Buckingham Palace iyo tixraacyada casumaado gaar ah.

Raiisel wasaaraha UK Keir Starmer ayaa yiri Andrew waa inuu ka marag furo Congress-ka hortiisa.

Danjirihii hore ee UK u fadhiyay Mareykanka, Peter Mandelson, ayaa iska casilay xisbiga shaqaalaha ka dib markii la ogaaday in Epstein uu bixiyay saddex lacag oo dhan $25,000 xisaabaadka isaga lala xiriiriyay.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sidoo kale lagu tixraacay emails isagoo sheeganaya inuu raadsaday caawinta Epstein arrimaha maamulka.

Dukumeentiyada waxaa ka mid ah qoraal xigashooyin laga soo xigtay Macron oo lagu xusay kulamadii soo taxnaa ilaa markii uu ahaa wasiirka dhaqaalaha.

Madaxtooyada Faransiiska ayaan wax war ah kasoo saarin.

Norway, Sweden, Denmark

Boqorada Norway ee Princess Mette-Marit ayaa muujisay sida ay uga xuntahay xidhiidhka ay la samaysay Epstein, iyadoo sheegtay inay ahayd “wax laga xishoodo oo kaliya.”

Waxay xaqiijisay booqasho ay ku tagtay guriga Epstein ee Florida iyo Saint-Barthelemy laakiin way diiday inay booqato jasiiradda gaarka ah.

Boqorada Sweden Sofia iyo Boqorka Denmark Frederik ayaa sidoo kale la magacaabay.

Sofia waxaa lagu casuumay xafladaha gaarka ah ee New York Epstein, Frederik wuxuu kasoo muuqday 2012 iimaylo lala xiriiriyay casho lala sameeyay asxaabta Epstein.

Slovakia, Turkiga

Miroslav Lajcak, oo ahaa wasiirkii hore ee arrimaha dibadda iyo la taliyaha ra’iisul wasaaraha Slovakia, Robert Fico, ayaa is casilay ka dib markii magaciisa uu ka soo muuqday dukumentiyada.

Waxa uu diiday in uu khalad sameeyay,isaga oo sheegay in iscasilaada looga dan leeyahay in laga fogaado culeys siyaasadeed.

Landon Thomas Jr., xubin guddiga Robert College ee Türkiye, ayaa Epstein u soo diray email 2014 isagoo codsanaya talada lacag ururinta iyo taageerada dugsiga.

Isweydaarsiga ayaa kor u qaaday walaac cusub oo ku saabsan saameynta Epstein ee qaybaha waxbarashadaha iyo kuwa aan faa’iido doonka ahayn.

Bariga Dhexe

Email-lada ayaa muujinaya Epstein iyo ganacsadaha Imaaraatka Sultan Ahmed bin Sulayem ay ka wadahadleen adeegsiga MI6 iyo wakiilladii hore ee Mossad si ay u soo ceshadaan hantida Liibiya ee la xayiray ka dib taliskii Qadaafi.

Qoraallo kale ayaa daaha ka rogay doodo ku saabsan mashaariicda Somaliland ka socda oo ay ka mid yihiin istuudiyaha filimada iyo warshad dhoofinta biyaha ah.

Ukraine, Ruushka

Hal email ayaalaga helay soo jeedin in ninka mucaaradka Ruushka Ilya Ponomarev uu bedeli karo Vladimir Putin, isaga oo ku tilmaamay abaabule kacdoon.

Farriin gaar ah ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Yukreeniyaan Volodymyr Zelenskyy “uu raadinayey gargaar” wuxuuna lagu tilmaamay inuu yahay “nin u shaqeeya Israa’iil,” sida laga soo xigtay qoraallada Epstein.

Epstein waxaa meydkiisa laga helay xabsiga magaalada New York sanadkii 2019 isagoo sugaya maxkamadeynta eedeymaha ka ganacsiga galmada. Waxa uu qirtay dambiga maxkamad ku taal Florida waxaana lagu helay dambi ah inuu u soo iibiyay ilmo yar oo dhilleysi ah 2008.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments