Sahan Media Muqdisho: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul uga hadlay faragelinta Israa’iil ay ku hayso dalkiisa, isagoo sheegay in aqoonsiga ay siiyeen maamulka gooni-goosadka ah ee Somaliland uu sii kordhiyey xasillooni-darro iyo daciifinta nidaamka caalamiga ah.
Madaxweyne Xasan oo waraysi gaar ah siiyey Aljazeera waxa uu sheegay in Soomaaliya “aysan marnaba oggolaan doonin” in saldhig ay Israa’iil ka samaysato Somaliland, isla markaana ay ka hortagi doonto tallaabo kasta oo noocaas ah.
Waxa uu sidoo kale ka digay in saldhiga la doonayo in Israa’iil la siiyo loo adeegsado in lagu weeraro dalalka dariska ah.
Hadalka Xasan ayaa ku soo beegmay iyadoo gobolka uu ka dhashay qaylo dhaan ka dhalatay go’aankii Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu bishii December ku aqoonsaday Somaliland, oo ah qayb ka go’day Soomaaliya oo ka kooban gobolka waqooyi-galbeed.
Waxaanay ku soo beegantay bilo ka dib markii wakaalada wararka ee Associated Press ku warantay in masuuliyiinta Israa’iil ay la xiriireen dhinacyo ka tirsan Somaliland si ay ugala hadlaan in dhulkaasi loo adeegsado barakicinta dadka reer Falastiin ee ay Israel ku hayso dagaalka xasuuqa ah ee Gaza.
Israa’iil iyo Somaliland way beeniyeen sheegashadaas, balse sarkaal Somaliland ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ayaa u sheegay Channel 12 ee Israa’iil bishii January in saldhiga milatari ee Israa’iil uu miiska saaran yahay oo laga wada hadlayo, inkasta oo aasaaskiisu ku xiran yahay shuruudo.
Soomaaliya ayaa ku gacan seyrtay tillaabada Israel oo ay ku tilmaantay mid weerar ku ah madaxbanaanida dhulkeeda iyo midnimadeeda, mowqifkaas oo ay taageerayaan inta badan hogaamiyayaasha Afrika iyo Carabta, waxayna ku boorisay Netanyahu inuu ka laabto aqoonsiga.
Wareysiga uu siiyay Aljazeera waxa uu ku tilmaamay dhaq-dhaqaaqa diblumaasiyadeed ee Israa’iil in uu yahay “talaabo aan ka fiirsasho lahayn, asal ahaan khaldan iyo tallaabo sharci darro ah oo aan waafaqsan sharciga caalamiga ah”.
Waxa kale oo uu ballan qaaday inay la dagaallami doonaan cid kasta oooo soo faragalisoSoomaaliya.
“Waxaan u dagaalami doonaa awoodeena, dabcan, waan is difaaci doonaa,” ayuu yiri. “Taasina waxay la macno tahay inaan ka hor tagi doono ciidan kasta oo Israa’iil ah oo soo gala, sababtoo ah taas waanu ka soo horjeednaa, mana oggolaan doono.”
Sannadihii u dambeeyay, Somaliland waxay xiriir la samaysatay Imaaraadka Carabta – oo saxeexday heshiiskii Abraham ee Israa’iil – iyo Taiwan iyada oo doonaysay inay beesha caalamka soo dhawayso.
Wareysigiisa, Maxamuud waxa uu ku sheegay in tallaabada Israa’iil ee “faragelinta madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya” ay sidoo kale “ wiiqayso xasilloonida, amniga iyo ganacsiga si saamaynaysa Afrika oo dhan, Badda Cas iyo guud ahaan caalamka”.
Waxa kale oo uu intaasi ku daray in aan la kala saari karin dhibaatada ay Israa’iil ku hayso Falastiiniyiinta ku nool Qaza iyo waxa ka socda Somaliland, isaga oo intaas ku daray in ay ka turjumayso daciifnimada aasaaska dawladnimo ee caalamka.
“Muhiimadda ugu wayn ee walaacyada caalamiga ah waa daciifinta nidaamka caalamiga ah ee ku saleysan qawaaniinta. Nidaamkaas ma ahan mid sii soconaya.” Xasan ayaa yiri.
Dhinaca kale, Maraykanka ayaan weli muujin isbedel weyn oo ku yimi su’aasha Somaliland.


