Google search engine
HomeWararka MaantaMaxaa ka jira in DP World ay dhisayso Gaza wadahadalna kula jirta...

Maxaa ka jira in DP World ay dhisayso Gaza wadahadalna kula jirta Golaha nabadda ee Trump?

Sahan Media Muqdisho: Shirkadda saadka iyo dakadaha ee fadhigeedu yahay Dubai ee DP World ayaa wadahadal la yeelatay wakiilo xiriir la leh Donald Trump ee “Board of Peace” kuna saabsanaa maareynta silsiladaha saadka iyo mashaariicda kaabayaasha ee Gaza, sida uu sheegay wargeyska Financial Times (FT).

Wadahadallada ayaa la sheegay in lagu eegay in shirkadda ay dowladdu leedahay ay la wadaagi karto kooxda si ay u kormeerto saadka gargaarka bini’aadantinimo iyo badeecadaha ganacsi ee soo galaya dhulka go’doonsan ee Falastiin.

Shaqadaas waxaa ku jiri doona dhisme bakhaarro, nidaamyada la socodka xamuulka iyo habaynta amniga, ayay tiri warbixintu. Soo jeedinta kale ee laga wada hadlay ayaa lagu soo waramayaa in ay ka mid ahaayeen in deked cusub laga dhiso Gaza ama xeebta Mediterranean ka ee u dhow Masar, iyo sidoo kale in la sameeyo aag ganacsi oo xor ah ;aakin gudaha dhulka uu dagaalku ka dhacay Falastiin.

Laakin dadka dhaleeceeya ayaa ku eedeeyay qorshayaashan oo kale in ay dhinac iska dhigayaan falastiiniyiinta, oo ay hareer mareen hay’adaha caalamiga ah oo ay ku jirto Qaramada Midoobay, ayna halis galiyeen sharciyad barakicinta qasabka ah ee Falastiiniyiinta dhulkooda.

Warbixinta ayaa ku soo beegantay iyadoo horumarka nabadda ee Gaza uu istaagay, Israa’iil na ay sii waddo inay qabsato dhulal ballaaran iyo go’doominta dadka reer Falastiin. Tan iyo markaas, weerarrada Israa’iil waxaa ku dhintay in ka badan 700 oo qof, waxaana ku dhaawacmay ilaa 2,000, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Falastiin.

Afhayeen u hadlay shirkadda DP World ayaa wargeyska u sheegay in aanay waxba kala socon wax wada hadal ah. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta kama aysan jawaabin codsigii FT ee faallooyinkan.

DP World, oo ay leedahay xukuumadda Dubai, waa mid ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn adduunka ee maamusha dekedaha, waxayna sheegtay inay maamusho boqolkiiba 10 ganacsiga adduunka maalin kasta in ka badan 80 waddan.

Hoggaanka sare ee shirkadda ayaa isku shaandheyn ku sameeyay ka dib markii uu xilka iska casilay guddoomiyihii muddada dheer Sultan Ahmed bin Sulayem bishii Febraayo ka dib markii la baaray xiriirka uu la lahaa dembiilaha galmada ee Jeffrey Epstein.

Qiimeyn ay si wadajir ah u sameeyeen Midowga Yurub, Qaramada Midoobay iyo Bangiga Adduunka ayaa lagu sheegay in Gaza ay u baahan doonto $71.4bn dib u dhiska 10-ka sano ee soo socota, oo ay ku jirto $23bn oo loo baahan yahay 18-ka bilood ee soo socda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments