Sahan Media Muqdisho: Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in Maraykanku uu si aan xadidnayn u kordhiyay xabbad-joojintiisa Iran, iyada oo wareeg cusub oo wadahadal nabadeed ah uu hakad ku jiro. Ku dhawaaqista ayaa u muuqatay mid yaraynaysa cabsida laga qabo in dagaal dhoco, kaasoo gilgilay suuqyada tamarta iyo dhaqaalaha caalamka.
Pakistan ayaa qorsheyneysay inay martigeliso wareeg labaad oo wadahadal ah, laakiin Aqalka Cad ayaa hakiyay safarkii la qorsheeyay ee madaxweyne ku xigeenka JD Vance ee Islamabad iyadoo Iran ay diiday dadaalkii dib loogu bilaabayay wada xaajoodka.
Iran wali kama aysan jawaabin ku dhawaaqista Trump ee kordhinta xabad joojinta. Labada dal waxay ka digeen, heshiis la’aan, inay diyaar u yihiin inay dib u bilaabaan dagaalka.
Hogaamiyaha Pakistan Ra’iisul Wasaare Shehbaz Sharif ayaa si weyn uga shaqeeyay in labada dhinac ay ku heshiiyaan wareeg labaad oo ah wadahadalo xabad joojin ah.
Sharif ayaa markii dambe uga mahadceliyey Trump “aqbalka wanaagsan” ee codsiga Pakistan, isagoo sheegay in kordhinta xabbad joojinta ay u oggolaanayso dadaallada diblomaasiyadeed ee socda inay sii socdaan.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran, Esmail Baghaei, ayaa u sheegay TV-ga qaranka Iran in aanu jirin “go’aan kama dambays ah” oo ku saabsan in lagu heshiiyo wada-hadallo dheeraad ah, sababtoo ah “falalka aan la aqbali karin” ee Maraykanka, oo sida muuqata ula jeeda go’doominta Mareykanka ee dekedaha Iran.
Sargaalkan ayaa ka digay in Trump uu badali karo go’aankiisa ku aadan in Iran uu la xaajoonayo, waxa uuna diiday in uu saadaaliyo waxa dhici doona. Sargaalka ayaa sheegay in Trump uu haysto fursado aan badnayn oo ah dib u bilaabista duqeymaha cirka.


