HomeWararka MaantaDoonni uu dab ku qabsaday Dubai

Doonni uu dab ku qabsaday Dubai

Sahan Media Muqdisho: Dabka oo ka kacay meel ku dhow magaalada Dubai ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhashay qarrax xooggan, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dalkaasi. Wax dhaawac ah lama soo sheegin.

Sawirka doonida ayaa muujinaya holac dhalaalaya iyo mowjado qiic ah oo madow ah oo ka kacaya Doonida.

Mas’uuliyiinta ayaa caddeeyay in dabeecadda qiiqan ay sabab u tahay gubista agabka muraayadaha ka sameysan ee loo adeegsado dhismaha doonta.

Kooxaha dabdamiska ah ee Dubai ayaa ku guuleystay daminta dabka 54 daqiiqo gudahood. Hawlgallada qaboojinta doonida ayaa hadda socda.

waxaa suuqa la galiyay in doonida uu haleelay gantaal, laakin Shacabka ayaa loogu baaqay in ay ka waantoobaan wararka been abuurka ah iyo wararka xanta ah, isla markaana ay xogta ka helaan ilo rasmi ah oo kaliya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments