Sahan Media Muqdisho: Hezbollah ayaa sheegtay subaxnimadii hore ee sabtida in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay fulisay 22 weerar oo ka dhan ah ciidamada Israa’iil, gaadiid iyo goobo ciidan, kuwaas oo ay ku jiraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada oo lagu garaacay lix taangiyada Markeva ee Israa’iil ay ku leedahay koonfurta Lubnaan.
Kooxda ayaa sheegtay in weerarradan ay jawaab u yihiin jabinta Israa’iil ee heshiiskii xabbad joojinta iyo weerarrada lagu qaaday dadka rayidka ah iyo tuulooyinka koonfurta Lubnaan.
Ururka Xisbullah ayaa sheegay in dagaalyahanadooda ay beegsadeen 5 taangiyo oo ah nooca loo yaqaano Merkava oo ku sugnaa magaalada Yaxmar al-Shaqif ee gobolka Nabatieh iyaga oo adeegsanaya diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drones, gantaallada la hago iyo hub kale, waxaana la arkayay taangiyada oo gubanaya weerarada kadib.
Waxay sheegtay in taangi lixaad ee Markava ah lala beegsaday meel u dhow magaalada Dibbine ee degmada Marjayoun, halkaasoo sidoo kale lagu arkay isagoo gubanaya.
Hezbollah ayaa sheegtay weeraro lagu qaaday ciidamada Israel, gaadiidka dagaalka iyo fariisimo dhowr ah oo ku yaala koonfurta Lubnaan, sida Naqoura, Haddatha, Rashaf, Bayyada iyo Zawtar al-Sharqiya.
Kooxdan ayaa sheegtay in ay u adeegsatay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan Drones-ka oo weerar ku qaaday goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada Israa’iil iyo agabka tiknikada, isla markaana ay weeraro gantaallo ah ku qaadeen ciidamada Israa’iil.
Waqooyiga Israa’iil, Hezbollah ayaa sheegtay in ay qaadday weeraro aan duuliye lahayn oo lala beegsaday askarta Israa’iil ee ku dhow deegaanka Natua iyo xerada milatariga ee Kaymaha Galilee.
Toddobaadyadii la soo dhaafay, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Hezbollah ayaa walaac sii kordhaya ka muujiyay Israa’iil, iyadoo Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu uu ku tilmaamay “khatar weyn” sababtoo ah khasaaraha soo gaaray oo la ogaanayo.
Israa’iil ayaa sii wadda weerarrada ay ku hayso Lubnaan inkasta oo xabbad joojin dhaqangashay 17-kii Abriil lana kordhiyay 45 maalmood oo ka bilaabmaysa May 17 ka dib wadahadalo aan toos ahayn oo uu Maraykanku dhexdhexaadinayo.
Sida laga soo xigtay Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan, weerarrada Israa’iil tan iyo 2-dii Maarso ayaa dilay 3,355 dhibanayaal ah guud ahaan dalka.


