Sahan Media Muqdisho: Siyaasiyiinta mucaaradka ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa Magaalada Muqdisho ka wada dhaqdhaqaaqyadii ugu dambeeyey ee ay ugu diyaar garoobayaan banaanbaxyo ka dhan ah dowladda federalka ah ee Somalia.
Dibadbaxyadaan ayey mucaaradku kaga soo horjeedaan mudda dhaafka hay’adaha dowladda, arrimaha dastuurka iyo boob ay sheegeen in lagu hayo dhulka danta guud iyo kan dadweynaha ee gobolka Banaadir ayna ka dambeeyaan Madaxda dowladda iyo ganacsato xuluufo dhaw la ah.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in mucaaradku aanu aqbali doonin in mudaharaadka lagu koobbo goob gaar ah oo ay dowladdu u cayintay, isagoo ku adkaystay in isu-soo-baxyadu ay yihiin xuquuq dastuuri ah oo shacabka Soomaaliyeed leeyihiin.
Saaka Dhaqdhaqaaq ciidan ayaa kasocda Muqdisho, iyadoo dowladda ay ciidamo ku hubaysan dabaabaad dul dhigtay guryaha ay degeen Sheekh shariif iyo Khayre’ waxana kantaroolo cusub la dhigay Isgoyska dabka ilaaBakaaraha, Shabeele ilaa marinayo.


