Sahan Media Muqdisho: Soomaaliya oo ay taageerayaan saaxiibada caalamka ayaa ka wada howlgallo Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo lagu bartilmaameedsanayo goobaha ay isugu yimaadaan kooxaha argagixisada ah, howlgalladaas ayaa lagu dilay 28 ka tirsan argagixisada Al-Shabaab ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
C/raxmaan Cabdi Mudallib oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsan argagixisada gobolka Hiiraan ayaa ka mid ah dadka lagu dilay howlgallada dhanka cirka ah, isaga iyo shan kale oo argagixisada ah.
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Soomaaliya ayaa sheegtay in Mudallib uu si toos ah ugu lug lahaa abaabulka iyo qorsheynta weeraro Argagixiso oo ka dhacay degmooyinka Buulo-burde iyo Jalalaqsi ee gobolkaasi.
Sida la sheegay howlgalka ayaa dhacay kadib markii ay sirdoonku sheegeen in ku dhawaad 70-Argigixiso ay isku uruursadeen meel qiyaastii 3 KM dhanka Koonfureed kaga beegan magaalada Masjid Cali Gaduud, kuwaasi oo ku hubeysnaa hubka noocyadiisa kala duwan, islamarkaana diyaarinayay dhaq-dhaqaaqyo la doonayo in lagu qalqal geliyo amniga guud ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
“Markii la xaqiijiyay is urursigaas ciidamada iyo la-hawlgalayaasheeda ayaa billaabay howlgal qorsheysan oo lagu ciribtiray 23 dagaalyahan,” ayay hay’addu ku tiri hadal ay soo saartay.
Waxa ay intaa ku dartay in howlgalladan ay qeyb ka yihiin dadaallada lagu ciribtirayo “khawaarijta” laguna xaqiijinayo amniga iyo xasiloonida shacabka Soomaaliyeed.
Tan iyo bishii Luulyo ee la soo dhaafay, ciidamada Soomaaliya, oo taageero ka helaya Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah, waxay kordhiyeen hawlgallada ka dhanka ah kooxda ee taageeraya dawladda dhexe.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u cusboonaysiiyay AUSSOM sanad kale bishii December ee la soo dhaafay, iyadoo qaraar ay taageerto UK ay ku kordhisay oggolaanshaha ilaa 31-ka Diseembar.


