Sahan Media Muqdisho: Magaalada Muqdisho ayaa maanta martigelisay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya (AI Summit Somalia 2026), oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), si looga doodo fursadaha iyo caqabadaha la xiriira adeegsiga Garaad Gacmeedka (AI) ee Soomaaliya.
Shirka oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa isu keenay masuuliyiin ka tirsan dowladda, aqoonyahanno, cilmi-baarayaal, khubaro teknoolojiyadeed, arday iyo wakiillo ka socda ganacsatada iyo bulshada rayidka ah.
Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, oo furay shirweynaha, ayaa sheegay in Garaad Gacmeedku uu door muhiim ah ka ciyaari karo horumarinta waxbarashada, cilmi-baarista iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.
Mas’uuliyiinta iyo khubarada ka hadlay munaasabadda ayaa xusay in Soomaaliya ay haysato fursad ay kaga faa’iidaysan karto horumarka degdegga ah ee dhinaca teknoolojiyadda, gaar ahaan adeegyada ku saleysan Garaad Gacmeedka, si loo horumariyo adeegyada dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay.
Inta uu shirku socdo ayaa la filayaa in lagu falanqeeyo arrimo ay ka mid yihiin maamulka iyo sharciyeynta Garaad Gacmeedka, amniga saaybarka, ilaalinta xogta, waxbarashada, caafimaadka, beeraha, dhaqaalaha dhijitaalka ah iyo horumarinta teknoolojiyadda Af-Soomaaliga ku shaqeysa.
Qabanqaabiyeyaasha ayaa sheegay in shirku ujeedkiisu yahay xoojinta wada-shaqeynta u dhexeysa dowladda, jaamacadaha, xarumaha cilmi-baarista iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay, si loo abuuro xalal teknoolojiyadeed oo wax ka tari kara baahiyaha Soomaaliya.


