Sahan Media Muqdisho: Ciidamada Dowladda oo howlgal ka fuliyay Kurtunwaarey, 14 ka tirsan Al-Shabaabna lagu dilay
Ciidamada Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyay degmada Kurtunwaarey ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga.
Howlgalka ayaa lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab, waxaana la sheegay in lagu dilay 14 dagaalyahan oo ka tirsanaa kooxda.
Warbixinta ayaa intaas ku dartay in ciidamada ay burburiyeen kayd hub iyo qalab kale oo Al-Shabaab ay u adeegsan jirtay abaabulka iyo fulinta weerarro ka dhan ah shacabka iyo ciidamada dowladda.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in howlgalka uu qayb ka yahay gulufka militari ee lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab, laguna xoojinayo amniga deegaannada ay ciidamada dowladdu ka howlgalaan.
Dowladdu waxay ku celisay inay sii wadayso howlgallada ka dhanka ah kooxda, iyadoo xustay in dadaallada socda ay salka ku hayaan sugidda amniga iyo xasilloonida dalka.


