HomeWararka DibaddaCiidamada oo miinooyin ka saaray Afmadow iyo Biibi

Ciidamada oo miinooyin ka saaray Afmadow iyo Biibi

Sahan Media Muqdisho: Ciidamada Danab iyo Jubbaland oo sheegay inay miinooyin ka saareen waddada u dhexeysa Afmadow iyo Biibi ee Jubada Hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab oo kaashanaya ciidamada amniga ee maamulka Jubbaland ayaa sheegay inay ka fuliyeen howlgal ka saarista miinooyinka waddada xiriirisa degmooyinka Afmadow iyo Biibi ee gobolka Jubada Hoose.

Sida ay saraakiishu sheegeen, howlgalka ayaa lagu ogaaday laguna saaray miinooyin la dhigay meel u dhow deegaanka Harbole, oo ka mid ah goobaha ay si joogto ah u isticmaalaan dadka rayidka ah iyo gaadiidka isaga kala goosha labada deegaan.

Saraakiil ka tirsan guutada 162-aad ee Danab iyo ciidamada Jubbaland ayaa warbaahinta u sheegay in miinooyinka si guul leh looga nadiifiyay waddada, iyagoo xusay in tallaabadan looga gol leeyahay sugidda ammaanka iyo badbaadinta dadka isticmaala marinkaasi.

Mas’uuliyiintu waxay ku eedeeyeen ururka Al-Shabaab inuu miinooyinka ku aasay waddada, iyagoo sheegay in bartilmaameedku ahaa shacabka iyo mas’uuliyiinta dowladda ee halkaas mara.

Waxay sidoo kale caddeeyeen in ciidamada ay sii wadi doonaan howlgallada lagu nadiifinayo walxaha qarxa iyo dadaallada lagu xaqiijinayo amniga deegaannada ay ka dhacaan dagaalada kooxda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments