HomeWararka Maantakalfadhiga golaha wakiilada Puntland

kalfadhiga golaha wakiilada Puntland

Sahan Media Muqdisho: Golaha Wakiillada Puntland ayaa guda galay Kal-fadhigooda 58-aad, kaas oo si rasmi ah uu u furay Madaxweynaha Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, waxaana diiradda lagu saarayaa arrimo muhiim u ah sharci-dejinta, la xisaabtanka xukuumadda, amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda guud ee Puntland.

Ajandayaasha ugu muhiimsan ee horyaalla Golaha waxaa ka mid ah ansixinta ajandaha rasmiga ah ee kalfadhiga, dhegeysiga warbixinta guddiga joogtada ah iyo warbixinaha guddiyada kala duwan ee golaha oo ay kamid yihiin xoojinta isla xisaabtanka hay’adaha dowladda iyo kor u qaadista masuuliyadda laamaha fulinta.

Goluhu waxa kale oo uu mudnaanta siin doonaa ka doodista iyo meelmarinta xeerarka ay xukuumaddu usoo gudbiso Golaha, iyadoo si gaar ah loo eegi doono xeerarka la xiriira maamulka iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Dhinaca dhaqaalaha, Golaha Wakiilladu wuxuu falanqayn iyo dood ka yeelan doonaa xisaab-xirka sannad-maaliyadeedka 2025, si loo qiimeeyo dakhliga iyo kharashaadka dowladda. Xildhibaannadu waxay sidoo kale awood u yeelan doonaan inay u yeeraan masuuliyiinta ay khusayso haddii ay jiraan arrimo u baahan faahfaahin dheeraad ah ama isla xisaabtan.

Ajandaha Kalfadhiga 58-aad waxaa sidoo kale ku jira arrimaha siyaasadda Puntland ee ku aaddan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xaaladaha siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan qodobbada la xiriira doorashooyinka iyo geeddi-socodka dowlad-dhiska.

Sidoo kale qoraal maanta ka soo baxay Golaha Wasiirrada ayaa lagu sheegay in dowladda Puntland aysan qeyb ka ahayn ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ilaa heshiis laga gaarayo dhammaan qodobada ay isku hayaan Puntland iyo Federaalka.

Golaha Wasiirrada waxay fareen dhammaan hay’adaha amniga Puntland in aysan deegaannada Puntland ku sugnaan karin isaga gudbi karin ciidan ka baxsan kuwa Puntland.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan Gen. Jimcaale Jaamac Takar oo hadda ku sugan magaalada Muqdisho u magacowday Taliyaha Qaybta 54-aad ee Garoowe.

Qaybta 54-aad ayaa la sheegay in ay hoostagayaan ciidamada Federaalka ka amar qaata ee ku sugan gobollada Puntland, waxaana shalay la arkayay ciidamo laga soo qoray degmada Galdogob oo soo gaaray Gaalkacyo.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments