Sahan Media Mogadishu: Ka dib safarkii Cirro ku tagay Isrllll urur-goboleedka IGAD ayaa ku baaqay is-xakameyn iyo in la ixtiraamo madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo laga duulayo wararka soo baxaya ee la xiriira xaaladaha cusub ee dalka.
War-saxaafadeed ay IGAD soo saartay ayaa lagu sheegay in ururku uu mar kale adkeeyay sida uu uga go’an yahay ilaalinta madax-bannaanida, midnimada, wadajirka dhuleed iyo madax-bannaanida siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, si waafaqsan heshiisyada IGAD, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.
IGAD ayaa sheegtay inay la socotay wararka la xiriira qorshaha lagu furayo safaarad ay Somaliland ku yeelanayso magaalada Quddus (Jerusalem), iyadoo ku celisay mowqifkeedii hore ee ahaa in si buuxda loo ixtiraamo midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
Ururku wuxuu xusay in tallaabo kasta ama hindise kasta oo wax u dhimaya madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya uu yahay arrin walaac leh oo u baahan in laga fogaado.
IGAD ayaa sidoo kale ka digtay in tallaabooyinka noocaas ah ay kordhin karaan xiisadaha siyaasadeed, isla markaana ay caqabad ku noqon karaan dadaallada lagu xoojinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka.


