Sahan Media Muqdisho: Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo xalay kulan la qaatay dhallinyarada magaalada Garowe ayaa ku dhawaaqay in xukuumaddiisu ay dhawaan qaadan doonto 100 dhalinyaro ah oo ka mid noqonaya shaqaalaha kala duwan ee dowladda.
Madaxweyne Deni wuxuu sheegay in dhalinyaradaas lagu xulan doono tartan furan oo caddaalad ah, islamarkaana si isu dheeli tiran looga qaadan doono gobollada Puntland.
Madaxweyne Deni wuxuu sheegay in uu jiri doono tartan furan oo caddaalad ah, islamarkaana si isu dheeli tiran looga qaadan doono gobollada Puntland
Madaxweyne Deni ayaa hadalka ka jeediyay kulan uu xalay la qaatay qaar ka mid ah dhalinyaeda Puntland, kaas oo ka dhacay xarunta jaamacadda PSU ee Garoowe.
Hadalka madaxweyne Deni ayaa ku soo aadaya, iyada oo mararka qaar ay shaqaalaha rayidka ah ka cowdaan mushaar la’aan, halka dowladdu ay sababtaas ku sheegto culeysyo dhaqaale oo ku yimaada Puntland.


