Sahan Media Muqdisho: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay si rasmi ah u soo dhoweynayso isfahamka iyo xabbad-joojinta la xiriirta xiisadda u dhexeysa Mareykanka iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, iyadoo ku tilmaantay tallaabo kor u qaadi karta nabadda iyo xasilloonida gobolka.
War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda ay aaminsan tahay in diblomaasiyadda iyo wada-hadalku yihiin waddada ugu habboon ee lagu xallin karo khilaafaadka caalamiga ah laguna yareyn karo xiisadaha.
Soomaaliya ayaa sidoo kale bogaadisay dadaallada dalal ay ka mid yihiin Pakistan, Qatar, Masar, Sacuudi Carabiya iyo Turkiga ee lagu taageerayo xalalka nabadeed, iyadoo si gaar ah u xustay doorka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee lagu hormarinayo heshiiska.
Warsaxaafadeedka ayaa intaas ku daray in hirgelinta isfahamkan ay gacan ka geysan karto ilaalinta amniga gobolka, xorriyadda isu socodka maraakiibta iyo xoojinta xasilloonida Bariga Dhexe.

Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku celisay sida ay uga go’an tahay taageeridda nabadda, wada-hadalka iyo ixtiraamka sharciga caalamiga ah, iyadoo ugu baaqday dhammaan dhinacyada inay sii wadaan dadaallada lagu xaqiijinayo amni iyo xasillooni waarta.


