HomeWararka MaantaShan ka mid ah shaqaalaha samafalka oo lagu dilay Koonfurta Suudaan

Shan ka mid ah shaqaalaha samafalka oo lagu dilay Koonfurta Suudaan

Sahan Media Muqdisho: Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay aad uga xuntahay dilka shan ka mid ah shaqaalaha gargaarka bini’aadantinimo kadib markii kolonyo ay la socdeen lagu weeraray Koonfurta Suudaan.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay Stephane Dujarric ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay Talaadadii sheegay in shanta ka mid ah shaqaalaha bini’aadantinimada ay saarnaayeen kolonyo ay wada-hawlgalayaal maxalli ah ka howlgalayeen ka hor inta aan la weerarin Isniintii shalay degmada Duk, ee Gobolka Jonglei.

“Afar kale ayaa ku dhaawacmay, dhowr qof oo rayid ah ayaa sidoo kale la sheegay in la dilay ama la dhaawacay,” Dujarric ayaa ku sheegay shir jaraa’id.

Isku-duwahayaga bini’aadantinimada Ramanathan Balakrishnan, ayaa si adag u cambaareeyay weerarka,” ayuu yiri Dujarric, isagoo raaciyay in saaxiibada Qaramada Midoobay ay yiraahdeen, “Kolonyadooda waxaa si cad loogu calaamadeeyay inay yihiin bani’aadamnimo”.

Afhayeenku wuxuu ku baaqay “baaritaan degdeg ah” oo lagu sameeyo weerarka, isagoo caddeeyay in “weerarada lagu hayo shaqaalaha bani’aadamnimada ay yihiin kuwo aan la aqbali karin oo xadgudub ku ah sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada”. Wuxuu intaas ku daray in tan iyo bishii Jannaayo, 29 shaqaale samafal ah iyo qandaraaslayaal la dilay.

Waxaa intaa dheer, John Dau Foundation (JDF), oo kolonyadooda la weeraray, ayaa qoraal ay soo dhigtay Facebook ku sheegtay in kolonyadan ay marayeen inta u dhaxaysa Payuel Payam iyo Pajut ee Panyang Payam ee Gobolka Duk, ayna la socdeen shaqaale ka soo laabtay tababar ay taageertay Barnaamijka Cunnada Adduunka, markii la weeraray.

“In kasta oo JDF ay u adkaysanayso khasaare weyn oo gaaray sannadihii la soo dhaafay, dhacdadani waxay ka dhigan tahay qaybta ugu murugada badan taariikhda ururkayaga,” ayaa lagu yiri bayaanka.

“Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan daneeyayaasha, bah-wadaagta iyo bulshada inteeda kale inay u duceeyaan, garab istaagaan qoysaska iyo dhammaan qoyska JDF inta lagu jiro waqtigan adag,” ayay raacisay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments