Sahan Media Muqdisho: Midowga Afrika (AU) ayaa ka digay in howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) uu geli karo marxalad adag, kadib markii Mareykanku xaqiijiyay inuu joojinayo taageerada saadka ee Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) laga bilaabo 31-ka Diseembar 2026.
Dukumenti laga diyaariyay kulan degdeg ah oo ay yeesheen Guddiga Saraakiisha Militariga ee Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in luminta taageerada UNSOS ay saameyn toos ah ku yeelan doonto howlaha muhiimka ah ee AUSSOM, oo ay ku jiraan gaarsiinta shidaalka, cuntada, biyaha, daad-gureynta dhaawacyada, gaadiidka cirka iyo sahayda ciidamada.
Warbixintu waxay tilmaamaysaa in taageerada saadka ee UNSOS oo lagu qiyaasay $502 milyan ay tahay tiirka ugu weyn ee howlgalka, iyadoo digniin laga bixiyay in maqnaanshaheedu uu abuuri karo caqabado amni oo halis ah, isla markaana uu fursad siin karo Al-Shabaab inay ka faa’iideysato daldaloollada ka dhasha.
Si looga jawaabo xaaladdan, Midowga Afrika ayaa miiska saaray saddex qorshe oo kala ah in taageero cusub laga helo dalalka deeq-bixiyeyaasha, in la yareeyo baaxadda howlgalka oo loo beddelo hawlgal goboleed, ama in si tartiib tartiib ah ciidamada AUSSOM looga saaro Soomaaliya iyadoo mas’uuliyadda amniga lagu wareejinayo ciidamada dowladda.
Dukumentigu wuxuu xusay in aan weli go’aan kama dambeys ah laga gaarin mid ka mid ah qorshayaashaas, balse wada-tashiyo heer sare ah ay sii socon doonaan si loo go’aamiyo mustaqbalka howlgalka AUSSOM.


