Sahan Media Muqdisho: Wadahadalladii u socday Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo xubnaha guddiyada dhinacyada mucaaradka ee Golaha Mustaqbalka ayaa ku soo dhammaaday natiijo la’aan, kaddib markii aan wax heshiis ah laga gaarin qodobadii ugu waaweynaa ee la isku hayay. Kulankan ayaa ahaa dadaal lagu doonayay in lagu yareeyo khilaafaadka siyaasadeed ee la xiriira hannaanka doorashooyinka dalka.
Kulanka oo socday saacado badan ayaa ka dhacay gudaha xeyndaabka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana garwadeen ka ahaa wakiillo ka socday Beesha Caalamka iyo dowladda Turkiga. Inkastoo ay jireen rajooyin laga qabay in la gaaro is-afgarad, haddana wada-hadalladu waxay ku dhammaadeen iyadoo dhinacyadu ay ku kala tageen qodobadii hore ee muranka dhaliyay.
Qodobka ugu weyn ee fashiliyay wada-hadallada ayaa ahaa dalabka mucaaradka ee ahaa in ajandaha lagu daro arrimaha la xiriira doorashooyinka dowlad-goboleedyada Koonfurta Soomaaliya. Dowladda Federaalka ayaa diiday in qodobkaas laga hadlo, iyadoo ku adkaysatay inaan la furin dood ku saabsan arrintaas, taas oo noqotay halkii ay wada-hadalladii hore uga burbureen bilo ka hor.
Si kastaba ha ahaatee, dhinacyadu waxay muujiyeen inay isku aragti ka yihiin in dalka laga hirgeliyo doorasho toos ah oo ay shacabka codkooda ku doortaan hoggaamiyeyaasha. Arrintan ayaa loo arkaa inay tahay qodobka ugu weyn ee ay labada dhinac ka gaareen is-afgarad siyaasadeed.
Sidoo kale, wararka laga helayo kulanka ayaa sheegaya in dhinacyadu ay isla qaateen in kuraasta baarlamaanka lagu saleeyo nidaamka awood-qaybsiga beelaha ee 4.5, kaas oo hadda dalka ka jira. Tani waxay meesha ka saaraysaa aragtida Dowladda Federaalka iyo xulafadeeda ee ku saabsan in kuraasta lagu saleeyo nidaamka axsaabta siyaasadeed.


