Sahan Media Muqdisho: Labo bas ayaa isku dhacay dalka Suuriya, taas oo sababtay dhimashada ugu yaraan 35 qof iyo dhaawaca 30 kale.
Shilkan ayaa ka dhacay wadada isku xirta Deir Az Zor iyo Dimishiq; waa waddo muhiim ah oo dhererkeedu ka badan yahay 400 oo kiiloomitir (249 mayl), taas oo isku xirta bariga Suuriya iyo caasimadda dalka.
Shilka ayaa ka dhacay inta u dhaxaysa al-Sukhnah iyo Palmyra.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in mid ka mid ah Basaska ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Nabadsugida, halka midka kalena uu waday dad shacab ah.
Wasaaraddu waxa ay intaa ku dartay in ay goobta u direen gawaari ambalaas ah.
Sida ay ku warantay wakaalada wararka ee Syrian Arab News Agency (SANA), dhawr diyaaradood oo helikobter ah ayaa sidoo kale loo diray goobta ay shilku ka dhacay si ay dadka dhaawaca ah si caafimaad ugu daad gureeyaan cisbitaalka militariga ee Homs.
Waddada weyn ayaa la og yahay in ay leedahay heerar ammaan oo liidata, taasoo ka tarjumaysa xaaladda xun ee kaabayaasha rayidka ee Suuriya ka dib dagaal sokeeye oo socday ku dhawaad ​​14 sano.
Bishii Oktoobar, Wasiirka Maareynta Musiibooyinka iyo Gurmadka Degdegga ah Raed al-Saleh ayaa sheegay in in ka badan 2,000 oo shilalka gaadiidka ah ay dhaceen intii u dhaxeysay Janaayo iyo dhammaadka Sebtembar, isaga oo intaa ku daray in shilalka noocan oo kale ah ay ka mid yihiin “sababaha ugu horreeya ee dhimashada Suuriya”.



