Sahan Media Muqdisho: Ururka xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa muujiyay walaac uu ka qabo dib u soo cusboonaanshaha dagaallada u dhexeeya Ciidanka Difaaca Itoobiya iyo ciidammada Tigrayga ee ka socda gobolka Tigray, isagoo sheegay in arrintani ay dadka rayidka ah mar kale u muujinayso xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.
Agaasimaha Amnesty International ee Bariga iyo Koonfurta Afrika, Tigeree Chagutaa, ayaa sheegtay in dagaallada dib u billowday ay khatar gelinayaan dad aan weli ka soo kaban dhibaatadii dagaalkii hore, isla markaana aan helin caddaalad.
War-saxaafadeed ay Amnesty soo saartay saddexdii August ayaa lagu sheegay in ururku sidoo kale uu daba-gal iyo diiwaangelin ku hayo xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee ka dhacaya gobollada Amxaarada iyo Oromiya, kuwaas oo lala xiriirinayo iska horimaadyo u dhexeeya kooxo hubeysan iyo ciidammada dawladda.
Amnesty International ayaa ku baaqday in hay’adaha gudaha iyo kuwa caalamiga ah loo oggolaado in ay si madax-bannaan u baaraan xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee ka dhacaya Itoobiya.
Ururku wuxuu xusay in intii uu socday dagaalkii waqooyiga Itoobiya ee u dhexeeyay Nofeembar 2020 ilaa Nofeembar 2022, kaas oo ku dhammaaday heshiis nabadeed, uu ka tagay xadgudubyo aad u daran oo xuquuqda aadanaha ah, kuwaas oo badankood noqon kara dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha.
Amnesty ayaa sidoo kale sheegtay in dawladda Itoobiya aanay ku filnayn baaritaannada ku saabsan xadgudubyada dhacay, isla markaana aanay caadi ka dhigan in dadka lagu eedeeyo dambiyadaas sharciga la hor geeyo.


