HomeWararka MaantaYaa weeraray markabka Sacuudiga ee Wafa oo marayay Badda Cas meel ka...

Yaa weeraray markabka Sacuudiga ee Wafa oo marayay Badda Cas meel ka baxsan xeebta Yanbu?

Sahan Media Muqdisho: Xuutiyiinta ayaa ku dhawaaqay inay beegsadeen markab shidaal oo Sacuudigu leeyahay oo marayay meel ka baxsan xeebta magaalada Yanbu ee Badda Cas. Magaalada Yanbu waxaa ku yaalla mid ka mid ah dekedaha ugu waaweyn ee Sacuudiga ka dhoofiyo shidaalka. Weerarkan ayay kooxdu ku sheegtay inuu qayb ka yahay “go’doominta badda” ee ay ku dhawaaqday inay ku soo rogtay Boqortooyada Sacuudiga laba toddobaad ka hor.

Kooxda ay Iran taageerto ayaa sheegtay inay sii xoojin doonto howlgalladeeda waqooyiga Badda Cas, iyadoo xustay in maraakiib badan ay beddeleen jidadkoodii kadib weerarro ay maalmihii u dambeeyay ku qaadeen maraakiib Sacuudi ah oo gobolka marayay.

Afhayeenka militariga Xuutiyiinta, Yahya Saree, ayaa qoraal uu ku daabacay baraha bulshada ku sheegay in ciidamadoodu ay “ku beegsadeen markabka shidaalka ee Sacuudiga ee Wafa, oo marayay waqooyiga Badda Cas meel ka baxsan xeebta Yanbu, tiro gantaallo riddo dheer ah, kuwaas oo si sax ah u haleelay bartilmaameedkii.”

Kororka weerarradan ayaa khatar gelinaya awoodda Sacuudiga ee ah inuu dhoofiyo qayb ka mid ah shidaalkiisa isaga oo ka leexanaya marin-biyoodka Hormuz, maadaama dekedda Yanbu ay tahay xarunta ugu muhiimsan ee dhoofinta shidaalka ee ku taalla xeebta galbeed ee dalka, dhanka Badda Cas.

Yahya Saree ayaa intaas ku daray in tirada guud ee maraakiibta shidaalka ee Sacuudiga ay bartilmaameedsadeen ay gaartay siddeed markab, tan iyo markii ay ku dhawaaqeen go’doominta badda 22-kii Luulyo.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments