Sahan Media Muqdisho:Nin u dhashay Mexico oo caan ku ah baraha bulshada, isla markaana leh 650,000 oo qof oo ku raacsan TikTok, ayaa la dilay xilli uu si toos ah u baahinayay muuqaal.
Cesar Gastelum ayaa lagu dilay rasaas Talaadadii magaalada Culiacan, oo ah xarunta gobolka Sinaloa ee dalka Mexico oo ay ka jiraan xaalado ammaan-darro iyo rabshado. Toogashada ayaa ka dhacday meel u dhow xafiiska dacwad-oogaha deegaanka.
Muuqaal laga duubay xilligii la dilay Gastelum, kaas oo ay aragtay wakaaladda wararka ee The Associated Press, ayaa muujinaya isagoo la qoslaya laba nin oo kale oo jooga goobta baabuurta la dhigto ee maqaayadda Kentucky Fried Chicken, xilli ay halkaas ku soo gaareen laba nin oo saaran mooto. Mid ka mid ah raggaas ayaa la arkayay isagoo soo saaraya qori oo rasaas ku furaya Gastelum. Kadibna, raggii weerarka geystay ayaa goobta ka baxsaday.
Sinaloa waxaa sannadihii u dambeeyay ragaadiyay dagaal u dhexeeya laba garab oo ka tirsan urur-dambiyeedka Sinaloa Cartel — oo kala ah Los Mayos iyo Los Chapitos — iyadoo magaalada laga helayay meydad lagu calaamadeeyay astaanta mid ka mid ah labadaas garab.

“Waa inaan ogaannaa sababta uu u dhacay dilkan foosha xun,” ayay tiri Madaxweynaha Mexico Claudia Sheinbaum oo la hadlaysay weriyeyaasha shir jaraa’id oo ay qabatay subaxnimadii Arbacada.


