Sahan Media Muqdisho: Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Hagar Dabageed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu uga baxay ballan uu hore ula galay waxgaradka iyo siyaasiyiinta beesha Xawaadle, kaas oo ahaa in beeshu qaadato hoggaanka Hirshabeelle doorashada soo socota.
Yuusuf Dabageed oo ka hadlay kulan ay isugu yimaadeen waxgaradka iyo siyaasiyiinta beesha Xawaadle ayaa sheegay in guddi uu hoggaaminayay Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan, oo ay ku jireen siyaasiyiin, ganacsato iyo waxgarad, ay muddo saddex bilood ah ka hor arrintan kala hadleen madaxweyne Xasan Sheekh.
Wuxuu sheegay in Xawaadle ay taageereen Hirshabeelle, ayna ballanqaadeen in aysan mucaarad ku noqon dowladda federaalka, iyadoo beddelkeedana laga filayay in beesha loo tixgeliyo hoggaanka maamulka marka ay timaaddo waqtigii isbeddelka.
Sida uu sheegay Dabageed, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markii dambe la kulmay xubno ka tirsan guddiga, wuxuuna u sheegay in kursiga madaxweynaha Hirshabeelle la siinayo Xawaadle.
Dabageed wuxuu sheegay in saddex bilood kaddib uu madaxweynuhu si gaar gaar ah ula kulmay isaga iyo siyaasiyiin kale, isagoo u sheegay in ballantii Xawaadle uu ka baxay, isla markaana uu kursiga Hirshabeelle siiyay Cali Guudlaawe.
“Waxaan u qabay madaxweyne aan ballankiisa ka bixi doonin,” ayuu yiri Dabageed, isagoo sheegay inuu aaminsanaa in madaxweynuhu uusan beddeli doonin heshiis uu hore ula galay waxgaradka iyo siyaasiyiinta beesha Xawaadle.
Dabageed ayaa sidoo kale sheegay in markii uu arrinta kala hadlay madaxweynaha, Xasan Sheekh uu ku adkeystay in ballantii Xawaadle uu ka baxay.


