HomeWararka MaantaPuntland oo bilaabaysa la wareegidda hantida Dowladda

Puntland oo bilaabaysa la wareegidda hantida Dowladda

Sahan Media Muqdisho: Mas’uuliyiin katirsan xukuumadda Puntland ayaa soo gaba-gabeeyey kormeer ay maalmihii la soo dhaafay ka wadeen xaafadaha Magaalada Galkacyo, kaas oo diiradda lagu saarayay diiwaangelinta dhulka iyo dhismayaasha kala duwan ee dowladda.

Intii uu socday kormeerka, waxaa la tirakoobay lana GPS-gareeyay dhamaan dhulalka dowladda ee bannaan iyo dhismayaasha ay dowladdu leedahay, iyadoo ujeeddadu ahayd in si rasmi ah loo diiwaangeliyo hantida dowladda, loona helo xog sax ah oo ku saabsan goobaha iyo dhismayaasha dowladda ee ku yaalla magaalada.

Wasiirka Faarax Cawad ayaa dadka ku nool dhismayaasha dowladda iyo sidoo kale dadka dhulalka dowladda si sharci-darro ah uga dhistay guryo iyo dhismayaal kale kula dardaarmay inay baneeyaan dhulka dowladda, isla markaana ay raadsadaan meelo kale oo ay si sharci ah u degaan.

Wasiirka ayaa carabka ku adkeeyay in degsiimo laga sameysto dhul dowladeed iyadoo aan laga haysan oggolaansho rasmi ah oo dowladda ah ay tahay sharci-darro, isagoo sheegay in aan cidna laga aqbali doonin in ay si gaar ah ugu tagrifasho dhul ay dowladdu leedahay.

Faarax Cawad ayaa sidoo kale sheegay in masuuliyadda ilaalinta iyo maamulka dhulka dowladda ay saaran tahay Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta, isaga oo tilmaamay in aan loo oggolaan doonin shacabka iyo hay’adaha dowladda midkoodna inay si aan sharci ahayn u isticmaalaan ama ugu tagrifalaan hantida dowladda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments