Sahan Media Muqdisho: Wargeyska The Telegraph ee kasoo baxa dalka Britain ayaa qoray warbixin cinwaankeedu yahay: “Xuutiyiintu waxay qorshaynayaan inay furaan jiid cusub oo ka tirsan dagaalka Iran, isla markaana xiraan marin-biyood labaad.” Warbixinta waxaa qoray wariyaha arrimaha dibadda, Akhtar Makoi.
Qoraagu wuxuu sheegayaa in Xuutiyiinta, oo hadda loo arko wakiilka gobolka ee ugu awoodda badan Iran, ay isu diyaarinayaan inay xiraan Marinka Bab al-Mandab iyagoo matalaya Iran, si ay u kordhiyaan cadaadiska lagu saarayo Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, iyagoo dhaawac dheeraad ah gaarsiinaya dhaqaalaha caalamka.
Sida maqaalka lagu sheegay, waxaa jira iskaashi u dhexeeya Xuutiyiinta iyo kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya, kaas oo lagu doonayo in lagu xakameeyo labada dhinac ee Marinka Bab al-Mandab, isla markaana la xiro marka Iran go’aansato.
Warbixintu waxay soo xiganaysaa ilo xog-ogaal ah oo sheegay in Xuutiyiintu ay kooxda Soomaaliyeed u gudbinayaan tiknoolajiyadda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran, iyagoo ka amar qaadanaya Tehran. Ujeeddaduna waa in laga abuuro Bab al-Mandab xaalad la mid ah tan ka jirta Marinka Hormuz.
Qoraagu wuxuu xusay in qiyaastii 10 ilaa 12 boqolkiiba ganacsiga adduunku uu maro Marinka Bab al-Mandab, kaas oo ku xirma Kanaalka Suweys. Wuxuu ka digay in haddii marinkan la xiro, maraakiibtu ay ku qasbanaan doonaan inay maraan waddo kale oo toddobaadyo dheeraad ah ku wareegta cirifka koonfureed ee qaaradda Afrika, taas oo kordhin doonta kharashaadka gaadiidka.


