HomeWararka MaantaMaraykanka oo wax ka badalay go'aankiisa (AUSSOM)

Maraykanka oo wax ka badalay go’aankiisa (AUSSOM)

Sahan Media Muqdisho: Dowladda Maraykanka ayaa muujisay inay dabcinayso mowqifkeedii hore ee ku aaddanaa qorshaha lagu soo afjarayo xafiiska Qaramada Midoobay ee taageera Soomaaliya, iyadoo soo jeedisay in muddo 12 bilood ah loo sameeyo kala-guurka ka hor inta aan la soo gebagebeyn howlaha xafiiska.

Sida lagu sheegay dukumiinti aan rasmi ahayn oo ka tarjumaya mowqifka Maraykanka ee wada-xaajoodka, qorshaha kala-guurka ayaa bilaaban kara kaddib marka uu 31-ka December 2026 dhammaado muddada hadda loo oggolaaday Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM).

Soo jeedintan ayaa imaanaysa xilli ay socdaan wada-hadallo ku saabsan mustaqbalka xafiiska Qaramada Midoobay ee taageerada Soomaaliya iyo qaabka loo sii wadi karo taageerada caalamiga ah ee howlgalka nabad-ilaalinta.

Washington ayaa hadda taageerayso in la sameeyo muddo kala-guur ah oo 12 bilood ah, taas oo fursad siin karta in si tartiib ah loogu wareejiyo qaababka cusub ee taageerada.

Si kastaba, Maraykanku weli ma uusan bixin ballanqaad kama dambeys ah oo ku saabsan qorshahan, iyadoo wadahadallada ku saabsan mustaqbalka taageerada Qaramada Midoobay ay weli socdaan.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee taageerada Soomaaliya ayaa door muhiim ah ku leh taageerada howlgalka Midowga Afrika, gaar ahaan dhinacyada saadka iyo howlaha kale ee muhiimka u ah ciidamada ka howlgala Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments