HomeWararka MaantaTaliye Shub oo faahfaahiyay duqeyntii ka dhacday Doolow

Taliye Shub oo faahfaahiyay duqeyntii ka dhacday Doolow

Sahan Media Muqdisho: Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta, General Mahad Cabdiraxmaan oo loo yaqaan “Shub”, ayaa faahfaahin ka bixiyay duqeyntii ka dhacday guri uu ka deganaa degmada Doolow ee gobolka Gedo, isaga oo sheegay in isagoo guriga ku jira laba gantaal lagu dhuftay.

General Mahad ayaa sheegay in dhacdadu ay dhacday habeen, xilli uu hurday, balse uu soo kacay kaddib markii uu maqlay qarax xooggan iyo diyaaraddii uu sheegay inuu arkay oo dusha ka maraysay guriga.

Wuxuu sheegay in dhismaha gurigu uu si weyn u burburay, iyadoo darbiyo, saqaf iyo qeybihii kale ee dhismaha ay waxyeello soo gaartay.“Hal gantaal ayaa igu dhacay, mar labaadna mid kale ayaa yimid. Labada gantaal waxay ku dhaceen meesha aan jiifay,” ayuu yiri General Mahad, isaga oo tilmaamay in uu dhaawac ka soo gaaray firir ka dhashay qaraxa.

General Mahad ayaa sheegay in kaddib weerarka isaga iyo dad kale oo goobta ku sugnaa ay guriga isaga soo baxeen, waxaana uu sheegay in dhaawacyada loo qaaday isbitaalka degmada Doolow. Wuxuu xusay in ciidamo iyo mas’uuliyiin deegaanka ah ay u gurmadeen, isla markaana habeenkaas lagu daweeyay isbitaalka.

Wuxuu sheegay in markii waagu baryay uu dib u arkay gurigii uu deganaa, isagoo tilmaamay inuu burbur xooggan gaaray, isla markaana ay waxyeello soo gaartay xitaa qeybihii kale ee guriga iyo agagaarkiisa.

Qeyb kale oo ka mid ah wareysi uu bixiyay, General Mahad wuxuu ka hadlay dhacdooyin uu sheegay inay ka horreeyeen duqeynta. Wuxuu sheegay inuu dareemay dhaqdhaqaaqyo aan caadi ahayn oo ku saabsan qaar ka mid ah dadka ku hareeraysnaa, isaga oo xusay in uu arkayay qof marar badan meelaha qaar taleefan kula hadlaya.

Waxa uu sidoo kale sheegay in qaar ka mid ah dadkii uu la socday ay markii dambe ka tageen deegaanka, halka qaar kalena ay u kala gudbeen Baydhabo iyo Muqdisho.

General Mahad wuxuu sheegay in markii uu Doolow yimid uu kulamo iyo xiriirro kala duwan sameeyay, isagoo xusay in dhacdooyinkaas ay isaga ku abuureen shaki ku saabsan xog uu sheegay in loo gudbinayay dhinacyo kale.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments