HomeWararka MaantaKuuriyada Waqooyi oo diiday qaraarkii hay'adda ilaalinta nukliyeerka ee Qaramada Midoobay

Kuuriyada Waqooyi oo diiday qaraarkii hay’adda ilaalinta nukliyeerka ee Qaramada Midoobay

Sahan Media Muqdisho: Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kuuriyada Waqooyi ayaa diidday qaraar ka soo baxay Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Nukliyeerka (IAEA) kaas oo lagu dhaliilayo barnaamijka hubka nukliyeerka ee Pyongyang.

Wasaaraddu waxay Sabtidii sheegtay in heerka ay ka taagan tahay awoodda nukliyeerka uusan ahayn mid dib looga noqon karo, isla markaana ay taageerayso awooddeeda ka hortagga weerarrada ee ku dhisan hubka nukliyeerka; sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay baahisay wakaaladda wararka ee dowladda Kuuriya (KCNA).

Qoraal gaar ah oo ay u dirtay KCNA, walaashii hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un, Kim Yo Jong, ayaa ku eedaysay hay’adda ilaalinta nukliyeerka inay leedahay labanlaab.

Kim Yo Jong ayaa sheegtay in hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan ilaalinta nukliyeerka ay indhaha ka qarsatay “hawlgallada ba’an ee nukliyeerka” ee Mareykanka iyo “qorshaha hordhaca maraakiibta nukliyeerka ee Kuuriyada Koonfureed”, halka hay’addu ay si qasab ah u qaadatay qaraar ka dhan ah “hawlgallada nukliyeerka ee is-difaaca iyo kuwa sharciga ah ee Kuuriyada Waqooyi”.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kuuriyada Waqooyi ayaa sidoo kale ku eedeysay “ciidamo cadaw ah” inay doonayaan inay soo afjaraan barnaamijka nukliyeerka ee dalka intii lagu jiray shirkii guud ee toddobaadkan ee IAEA.

“Nasiib darro, ‘qaraarka’ ay kariyeen Mareykanka iyo reer Galbeedku wax saameyn ah kuma yeelanayo mowqifka DPRK ee ah dawlad hub nukliyeer ah,” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments