sahan Media Muqdisho: Ciidamada ammaanka Puntland ayaa magaalada Gaalkacyo ku qabtay, sida ay sheegeen saraakiil ciidan, ku dhowaad 130 askari iyo saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.
Saraakiisha ayaa sheegay in ciidamada lagu qabtay laba gaari oo nooca B.G ah, kuwaas oo ay sheegeen inay ka soo tallaabeen dhanka Galmudug, islamarkaana ay galeen qaybta waqooyi ee magaalada Gaalkacyo ee ay Puntland maamusho.
Sida ay saraakiishu sheegeen, ciidamada la qabtay ayaa ahaa askar cusub oo lagu soo tababaray gobolka Galgaduud, waxaana la sheegay inay ku sii jeedeen xerada Xananbuure oo dowladda Federaalka ay ku leedahay Galmudug.
Saraakiishu waxay sheegeen in aan weli si rasmi ah loo caddeyn sababta ay ciidamadaasi ugu soo galeen waqooyiga Gaalkacyo, balse xogaha laga helayo dhinaca ammaanka ayaa tilmaamaya in labada gaari ay ka habaabeen waddadii ay ku socdeen.

“Ciidankii saarnaa labada baabuur waxay gaarayeen 130 askari iyo saraakiil isugu jirta,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada Puntland, oo ka hadlay qabashada ciidamada.
Labada gaari iyo ciidamada la socday ayaa sida ay saraakiishu sheegeen hadda ku jira gacanta ciidamada ammaanka Puntland ee gobolka Mudug.


