HomeWararka MaantaXasan Sheekh oo la kulmay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Arrimaha Afrika,...

Xasan Sheekh oo la kulmay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Arrimaha Afrika, Mudane Frank Garcia

Sahan Media Muqdisho: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Arrimaha Afrika, Mudane Frank Garcia, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Mareykanka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xiriirka labada dal, arrimaha mudnaanta u leh labada dhinac iyo danaha ay wadaagaan, iyadoo labada dhinac ay is-weydaarsadeen aragtiyo ku aaddan sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga Soomaaliya iyo Mareykanka ee dhinacyada kala duwan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay Dowladda Mareykanka taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada dowlad-dhiska, amniga iyo horumarinta hay’adaha dowliga ah, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga labada dal.

Sidoo Kale Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay la yeeshay Dhaxal-sugaha Dowladda Kuwait, Sheekh Sabah Khaled Al-Hamad Al-Sabah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments